Labo Hogaamiye Dawlada Gobaleed oo Diiday Marti qaadka Madaxawynaha dawlada xamar

0

Madaxweynayaasha maamul Gobaleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa ka soo horjeestay marti qaad ay u sameysay dowladda Soomaaliya ka hor 10-ka bisha April ee sanadkan 2019.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa casuumad u dirtay 5-ta Madaxweyne maamul gobaleed ee kala ah Puntland, Galmudug, Jubbaland, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed ee ka jira Dalkaasi Soomaaliya waxaana diiday laba kamid ah, halka Saddexda kale ay ogolaadeen.

Madaxweynayaasha Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed ayaa ogolaaday, halka Axmed Madoobe uu markii hore ku sugnaa Muqdisho islamarkaana uu sii joogi doono kana qayb gali doono Shirka sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan Villa Soomaaliya.

 

Shirka loo balamiyay madaxdan ayaa ku saabsan sidii looga tashan lahaa Shir kale oo bisha April ka dhacaya dalka Mareykanka kaas oo looga hadlayo deyn cafinta Soomaaliya. Shirkaas Soomaaliya waxaa uga qayb galaya Rayasl Wasaare Xasan Cali Kheyrre, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo mas’uuliyiin kale.

Saciid C/llaahi Deni, Madaxweynaha Maamulka Puntland, ayaa sheegay in uusan ka soo qayb gali karin shirka looga wacay Muqdisho, sababtuna waxa uu ku sheegay in uu ku aadan yahay xiligii uu aadi lahaa marti qaad uu ka helay madaxda dalka Imaaraadka Carabta, halka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) uu sheegay in uusan ka qayb geli doonin ilaa laga qaado cunaqabataynta dhaqaale oo ay bilooyin saartay Dowladda Soomaaliya.

Xaaf ayaa sheegay in ay saarantahay cunaqabatayn dhaqaale iyo dhibaatooyin kale oo ay ku heyso Dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana aanu waxba kala socon deyn la cafiyay ama la cafin doono ilaa ay Soomaaliya ka hagaagto.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa shirkaan ogolaaday ka qaygalkiisa waxa uuna wadahadal kula jiraa Dowladda Soomaaliya. Axmed Madoobe ayaa iska ilaalinaya khilaaf in uu yimaado inta ay wadahadalada u socdaan Dawladda Faderaalka ka iyo Maamulka Jubbaland.

Madaxweynayaasha KG iyo HirShabeelle waxay si nadiif ah uga soo jawaabayn casuumadii uu u fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana labadaan Madaxweyne ay saaxiibo dhow layihiin Villa Somalia.