Kenya Oo Ku Dhawaaqday Inaysan Aqbali Doonin Go’aanka Maxkamadda ICJ Ee Muranka Badda Somaaliya!

0

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inaysan aqbali doonin, islamarkaana ixtiraami doonin go’aan kasta oo maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ICJ ka gaadho kiiska dhinaca muranka badda ee Soomaaliya udhexeeya  sida ku cad dokumenti qarsoodi ah oo uu helay wargeyska The Standard ee kasoo baxa magaalada Nairobi.

Go’aanka Kenya ayaa imanaya ayada oo aad loo rumeysan yahay in Kenya looga adkaan doono kiiskan.

Sida ku cad dokumentiga, Kenya ayaa dooneysa in ka hor inta kiiska badda Soomaaliya aysan go’aamin maxkamadda caalamiga ah ee cadaalladda, ay labada dhinac maraan marino kale oo ay ku xaliyaan murankooda.

Dawlada Kenya ayaa dalbaneysa in marka hore Soomaaliya iyo Kenya uu dhex-dhexaadiyo ururka Bariga Afrika ee EAC (East Africa Community), kadibna haddii wada-hadalladaas aan xal lagu gaarin ay mar labaad yeeshaan wada-hadallo uu dhex-dhexaadiyo ururka Midowga Afrika, markaas kadib un loo gudbo maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda.

Kenya ayaa ku doodeysa in Soomaaliya ay marka hore qasab ku tahay inay ka quusato dhammaan xalalka kale ee furan, ka hor inta kiiska aysan guda galin maxkamadda ICJ, oo Kenya ay ku eedeysay inay dhinac u janjeerto, una xaglineyso Soomaaliya.

“Maxaysan Soomaaliya xal uga raadin Midowga Afrika, miyaanay IGAD u furneyn Soomaaliya inay kiiskeeda u gudbiso, ka waran ururka EAC?” ayaa lagu yidhi qoraalka dowladda Kenya ay sida qarsoodiga ah u diyaarisay.

Kenya ayaa sidoo kale ku dooday in ururka QM ee badaha ee UNCLOS uu dalbanayo in dhinacyada is-haya ay marka hore isku dayaan inay murankooda ku xaliyaan habab kale, ka hor inta aysan u gudbin maxkamadda caalamiga ah.

Dokumentigan ayaa Kenya ay ku eedeysay Soomaaliya inay iska indha-tireyso sida ay Afrikaanka wax u xaklistaan.

“Soomaaliya waxay cayaareysa kaar jinsi, ayada oo Afrikanka ka doorbideysa hab sharciyeedka Yurub. Sidaas darteed maxay noqon kartaa cawaaqibka haddii ICJ ay u hiiliso Soomaalida” ayaa lagu yidhi qoraalka Kenya.

Kenya ma aysan shaacin sababta ay ugu maleeneyso in ICJ ay u xaglin doonto Soomaaliya, hase yeeshee waxay wacad ku martay inaysan aqbali doonin go’aanka maxkamadda, “si la mid ah dalal kale oo xubno ka ah QM oo horey u diiday go’aanada maxkamaddan.”