prof cabdi cali, qofku mar haddii aanu wax soo dilin ama danbi bani’ aadam oo foolxun soo gelin, ma jirto dawlada adduunka ah oo kaa yeelaysa qofkaasi lacag baan ku leeyahay ee ii soo qabta,

0

Proff Cabdi Cali Jaamac ayaa ka hadlay xiisada u dhaxaysa ganacsade Axmed Cismaan Geelle iyo madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle

 

Proff Cabdi Cali ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay sida ay dawlada Djibouti u hortaagan tahay horumarka somaliland isla markaana ka doonayso in wax kasta oo ay uga baahato loo fuliyo, taas oo uu ku tilmaamay mid aan meesha qaban.

Proff Cabdi Cali ayaa qoraalkiisa ku bilaabay sidan:-

Muxu ku keenay Ina Cumar Geelle booqashada iyo ictiraafka Muqdisho ayaa leh, Hargeysana aqoonsiga waan kala dagaalamayaa, lugna soo dhigi maayo, maxaa yeelay taasi waxbay u taraysaa!!! haddana, dhinaca kale, wax kasta ha ii fuliso Somaliland, xataa hadday tahay in loo dhiibo ganacsatadeena!!!

Qodobka labaad, haddi ay sax tahay sidaan maqlay, waxa la isku hayaa waa adduun ama ganacsi lacageed; ma fahmi karo anigu nin madaxweyne ah oo baayacmushtar ah.

Qodobka saddexaad, qofku mar haddii aanu wax soo dilin ama danbi bani’ aadam oo foolxun soo gelin, ma jirto dawlada adduunka ah oo kaa yeelaysa qofkaasi lacag baan ku leeyahay ee ii soo qabta, hadduu muwaadin yahayn hadalkiisa daa; madaxda Djibouti iyo Somaliland ba ha loo sheego in aanay lacagtu muhiim ahayn; bani’aadamka ayaa ka qaalisan; ma karaamaysna lacagtu; ha dhacdo lacagtu iyo dadka jeceliba!!!

Cabdo; maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.

Prof Cabdi Cali Jaamac