Hadii la Doonayo Wada-hadal Run ah Oo Midhodhal Noqda Waa In Marka Hore la Helaa Dhinac Sadexaad Oo Dhex Ah”Cali Guray.

0

Yaa Xaq U Leh Go’aanka Kama Dambaysta Ah?

Wax waliba waxay ku xidhan yihiin marka hore jawaabta waydiintan: Shacbiga Somaliland xaq ma u leeyihhin inay iyagu ka tashadaan aayahooda?.Hadii jawaabta dhinaca Somaliland ay tahay way tahaye “Haa way u leeyihiin” jawaabta dhinaca Somalia-na ay noqoto “Maya uma laha”. Wada hadal siyaasadeed oo masiiri ah labada dhinaca ma wada geli karaan hadii ay wada yeeshaan-na waa halkii hore ee ahayd; midnimada Soomaaliyeed (Somaliland iyo Somalia) waa muqadas iyo maaha ee gooni-isu-taaga Somaliland ayaan gorgortan lahayn.

Hadii la doonayo wadahadal run ah oo midhodhal noqda waa in marka hore la helaa dhinac sadexaad oo dhex ah oo ka garqaada sua’aashan lagu kale duwan yatay jawaabteeda oo aan runtii siyaasasad ahayn ee xaq sharci ah.

Taa marka dhinac ku gar helo haa markaa ayuun buu wadahadal siyaasadeed oo ah; dawlad keliya aynu noqono midnimada ayaa inoo wada dan ahe iyo maya midnimo hore ayaynu u soo tijaabinay oo way fashilantaye markan laba dawladood oo walaalo ah wax badan-na wadaagi kara oo iskaashada aynu noqono. Hadii la isku afgaran waayo waxa furan in la isla ogolaado in talada loo celiyo shacbiga Somaliland oo afti ay qaramada midoobay goobjoog u tahay laga qaado natiijadeedana lagu wada qanco. Xagee loo badan? Wax badan ayay ku xidhnaan doontaa marka dhinac waliba uu fursad u helo inu tiisa ku qanciyo tirada badan ee dadka Somaliland ciddii 100% inay teed noqon doonto iska rumaysata ee isaka seexataa waa suurtogal in natiijadu noqon karto mid aan ka farxinin gaar ahaan dhinaca Somaliland dhexdeeda hadii aan si cadaalad ah wax loo qaybsanin taladana aan loo wada yeelanin

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)