BBC war cusub Toogashadii New Zealand: Hoggaamiyaha Austria oo arrin cusub shaaciyay

0

Hoggaamiyaha dalka Austria Sebastian Kurz ayaa maanta oo Arbaca ah sheegay inuu jiro xiriir dhaqaale oo ka dhaxeeya ninka loo heysto weerarkii masaajidyada dalka New Zealand Brenton Tarrant iyo dhaqdhaqaaqa midigta-fog ee Austria.

Dacwad oogeyaasha ayaa sheegay in Martin Sellner oo ka tirsan dhaqdhaqaaqaas uu lacag deeq ah oo gaareysa 1,500 oo euro ka helay qof ay isku magac yihiin ninka weerarka loo xiray.

Hase yeeshee, Mr Sellner ayaa beeniyay inuu wax lug ah ku leeyahay weerarradaas.

Ra’isal wasaare Kurz ayaa sheegay in aan fikradaha haliska ah looga dul qaadan karin Austraia, xitaa haddii ay yihiin kuwa Islamka xajirka ah ama garabka midig ee faashistaha ah.

Waxa uu sheegay in maamulku baadhitaan ku hayo xidhiidho ka dhaxayn kara eedaysanahii Christchurch dadka ku laayey iyo kooxdaha qawminimadu madax martay, natiijada ka soo baxdana keeni karto in ururkaas sharci darro laga dhigo.

Muuqaal lagu baahiyey internet-ka ayaa nin Martin Sellner la yidhaa oo kooxdaas ka tirsan ku sheegay in uu deeq ka helay qof magaciisa uu ku sheegay Tarrant.

Laakiin waxa uu sheegay in aanu wax xidhiidha la lahayn weerarradii dhacay.

Brenton Tarrant, oo ah ninkii dadka ku laayey New Zealand ayaa la rumaysan yahay inuu Austria tagay, waxaana aad loogu badinayaa in ay ahayd bishii Novermber ee sannadkii lasoo dhaafay.

50 qof oo muslimiin ah ayaa lagu dilay toogasho 15-kii bishan Maarso, maalin Jimce ah uu nin hubeysan ka fuliyay labo masaajid oo xilligaas lagu cibaadeysanayay, iyadoo tiro kalena ay ku dhaawacmeen.