BBC Nin ‘isku dayay inuu tareen rogo’ oo lagu xiray Austria

0

Ciidamo khaas ah oo ka tirsan booliska dalka Austria ayaa xiray nin lagu tuhunsan yahay in uu taageero kooxda Daacish, kaasoo la rumeysan yahay inuu sameeyay iskuday uu ku doonayay inuu ku gadiyo tareenno ka howl gala waddanka Jarmalka.

Ninkan oo in muddo ah la doon doonayay ayaa lagu qabtay magaalada Vienna ee caasimadda dalka Austria.

42 jirkan oo u dhashay dalka Ciraaq ayaa looga shakisan yahay inuu sannadkii lasoo dhaafay 2 jeer waddada uu ku socdo tareenka dhigay waxyaabo caqabado ah oo keeni kara inuu tareenka ka baxo khadka loogu talogalay uuna rogmado.

 

Dacwad oogeyaasha ayaa sheegay in sidoo kale ay boolisku ninkan ka heleen calanka kooxda Daacish iyo qoraallo luuqadda carabiga ku qoran.

Dambi baareyaal u dhashay dalalka Austria iyo Jarmalka oo iskaashanaya ayaa hadda ninka la tuhunsan yahay su’aalo ku weydiinaya magaalada Vienna.

Wargeys maxali ah oo lagu magacaabo Kronen Zeitung ayaa soo tabiyay in ninkaas oo ah aabe dhalay 5 carruur ah uu muddo 15 sano ah ku jiray ciidanka milatariga ee dalka Ciraaq.

Wuxuu wargeysku sheegay in uu Austria u joogay qaxooti ahaan uuna la shaqeynayay shirkad dhinaca amaanka ah.

Dacwad oogeyaasha ayaa aaminsan in bishii Oktoobar ee sanadkii hore ay ninkan iyo dad kale oo wehlinayay biro dhigeen wadada uu ku socdo tareenka isaga kala goosha magaalooyinka dalka Jarmalka ee kala ah Munich iyo Nuremberg.

Birahaas ayaa waxyeello u geystay muraayadaha tareen ay leedahay shirkadda Inter City Express.

Dhagaxyo bulikeeti ah oo ka sameysan shamiito ayaa labo bilood ka dib la dhigay wadada tareenka, inkastoo aysan cidnda waxyeello u geysan.

Kooxdaas ujeedadooda waxay ahayd inuu tareenka wadada ka baxo oo uu rogmado, sida ay dacwad oogeyaasha sheegeen.

Dalka Jarmalka ayaa heegan sare oo dhinaca amaanka ah ku jira wixii ka dambeeyay markii sannadihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen weerarro ay fuiliyeen kooxaha jihaad doonka ah.

Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ayaa dhacay bishii Disembar ee sannadkii 2016-kii, ka dib markii uu nin kaxeynayay gaari weyn jiiray suuq laga dukaameysanayay oo ku yaalla magaalada Berlin, halkaasoo uu ku dilay 12 ruux.

Anis Amri oo ay dhalashadiisu ahayd dalka Tunisiya ayaa ka dambeeyay weerarkaas, waxaana 4 maalmood ka dib lagu dilay dalka Talyaaniga.