Wasiir Saleebaan Cali Koore Oo Fariimo Hanjabaado Ah Diray Iyo Halka Ay Ku Socoto

0

Wasiirka horumarinta biyaha somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaahanjabaad u diray dadka ka soo horjeeda somaliland.

Wasiir Saleebaan Cali Koore ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in somaliland ay ka go’an tahay ilaalinta amaanka gobolka geeska Afrika

Wasiir Koore ayaa qoraalkiisa si dadban ugula hadlayey maamulka Puntland ee dalka soomaaliya, waxaanu ku yidhi “Xukuumada Somaliland waxa ka go’an mar walba ilaalinta nabada iyo wada noolaanshahah dalalka jaarka. Somaliland waxay ku dadaaleysaa ilaalinta iyo xasiloonida dalka iyo guud ahaan geeska, waxa waajib dastuuriya ah sugida xuduudaheeda oo aan waxa gorgortan gali kara ahayn.”

Wasiir Saleebaan Cali Koore oo fariin hanjabaad ah diraya ayaa waxa uu intaas raaciyey “Midnimada shacabka iyo horumarinta bulshada dhan walba isu socodka iyo wax kala iibsiga dalalka jaarkaa Cid kastoo wax lidi ku ah qaranimada ku dhaqaaqda waxay kala kulmaysaa cawaaqib xumo aan dani ugu jirin.”

Hanjabaada wasiir Saleebaan Cali Koore ayaa ku soo beegmaysa wakhti ay dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah somaliland ku hawlan yihiin masuuliyiinta maamulka Puntland ee dalka soomaaliya.