Madaxawynaha jabuuti oo safarkiisa xamar Kaxaystay fanaaniin caan ah

0

Fanaaniinta Axmed Cali Cigaal iyo Xasan Aadan Samatar ayaa mudo dheer ka dib ku laabtay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka soomaaliya.

Labadan Fanaan oo uu wehelinayo hobolka dalka Djibouti ee Cawaale Aadan ayaa ka mid ahaa wefti uu hogaaminayey madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta gaadhay magaalada Muqdisho ee dalka soomaaliya.

Fanaaniintan ayaa shacabka magaalada Muqdisho si weyn u soo dhaweeyeen iyaga oo wakhtina la qaatay dadweynihii ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Fanaanka Axmed Cali Cigaal oo ka hadlay imaatinkiisa Muqdisho ayaa waxa uu yidhi “ilaahay ka sokow waxaanu xamar ku nimid anaga oo marti u ahayn dalka Djibouti, madaxweynaha Djibouti ayaana sabab u ahaa inaanu nimaadno Xamar, fanaaniinta soomaalida wixii uu la kulmo ama cidii tagta Djibouti aad ayuu u qurxiyaa oo uuu soo dhaweeyaa isaga oo u gaysta waxtar dhinacyo badan leh, Waxaan aad ugu faraxsanahay Xamar mana hadli karo oo waan gariirayaa, barbaarta gaashaaman ee agtayda taagana goorma ayaa iigu dambaysay.”

Sidoo kale fanaanka Axmed Cali Cigaal ayaa intaas raaciyey “Muqdisho maalina kama maqnayn habeena kama maqnayn waan joogay waana laysku soo noqon wixii nool aduunyada.”

Fanaaniinta Axmed Cali Cigaal iyo Xasan Aadan Samatar ayaa ka mid ahaa fanaaniintii caan baxday ee Waaberi, iyaga oo dalka soomaaliya ka tagay wakhtigii ay burburtay dawladii Maxamed Siyaad Bare.