Wadadii Rajada ee Berbera Corridor waxay ku soo ururtay in laynoo kab kabo hadaba dhismaha Dekedana ka filo in laguu kab kabo

0

naga oo bud-dhig iyo baleysin la inoogu garaabo uga dhigayna hadaladii iyo hawraartii maalmahan loo adeegsanaayey Heshiiskii been badane ee DPW.
aniga oo weliba sii tixraacaya tixdii iyo tiraabtii laynoo laqimay sanadihii la soo dhaafay kuna bishilaaya hadal haynta maalmahan ee Berbera Corridor iyo hadaaqa bulshada bal aynu tooshka ugu yara ifino shacabkan lagu dhego barjeeyey beentii beentu saarneyd ee ay mikirifoonada kaga adimi jireen Xilwadeenadii Xukuumadihii kala danbeeyey ee kulmiye mudooyinka hoos ku taariikheysan: Yaab !

Taariikh 9/05/2016 ilaa 8/9/2017
Kuy’e Shirkada DPW waxay dekeda Berbera ku maalgelinaysaa $442 million.Laakiin waxaa Dekeda gelaaya $242 Million oo qudha
Kuye Xaqal qalinku wuxuu noqday $15 million kaas $10 million uu caash ahaa, $5 Milliona aynu Dekeda ku kireynay sanad kasta
Lay’e Shirkada DPW waxay dekeda berbera maamuli doontaa muddo dheer oo dhan 30 Sannadood iyo 10 kordhin ah = 40 sano
Kuye’ Somaliland waxay Shirkada DPW kula shuraakoobaysaa qiimaha Dekedeena oo ah 35% inta kalena oo ah 65% DPW ayaa leh.
Lay’e Xukuumadu waxay Dekeda ku qiimaysay qiimo aad u hooseeya oo qaadhaaya $ 100 Milion oo keliya, Saldhigana mashaariic ayeynu dhaafsanay..
Kuy’e 65% Saamiga waxaa qaadanaya shirkada DPW, 35% waxaa qaadanaya Berbera Port Authority Somaliland
Lay’e Gudida Maamuli doonta Dekadu waxay noqon doonaan 7 xubnood oo 5ni waa DPW 2na waa BPA Somaliland
Kuye Shirkada cusub ee la Sameyn doono waxaa loo bixin doonaa magaceeda Berbera Port Operation Company ( BPOC)
Kuye Dekedii hore ayaa laynoo qalabaynayaa Deked cusub oo 800M ahna waa laynoo dhisayaa – Goorma ?
Kuye shirkadda macaash doonka ah ee DPW waxay Dekeda Berbera la wareegaysaa 1/3/2017
Kuye Shirkada cusub waxaa maamulaysa oo keliya DPW oo iyada ayaa yeelanaysa Maareynta Guud ee Dekeda.
Lay’e Shirkada cusubi waxay kordhin doontaa cashuurta sanadkiiba mar si ay ula tar-tanto Dekedaha dalalka deriska ah
Lay’e xaga sharciga (Govering law ) hadii khilaaf yimaado, waxaa laysla adeegsan doonaa shuruucda iyo xeerarka dawlada Ingiriiska
Inaas oo qodob oo laynagu dhego barjeeyey waxay wada noqdeen waxaan jirin !

Taariikh 1/3/2018 – 25/11/2018
Boowe ! Heshiiskan gogol xaadhkiisii iyo maareyntisuba wuxuu la kowsaday hadalo is burinaaya oo indho sarcaad ah !
Kuye 1/3/2018 waxa heshiis sadex geesood ah kala saxeexday JSL, DPW iyo Dawlada itoobiya
Kuye Saamiyada waxaa loo kala yeelanayaa 51% DPW, 30% SL, 19% dawlada itoobiya.
Laye Gudida maamuli doonta maareynta Dekedu waxay noqonysaa 9 xubnood oo 3 xubnood ayaa Somaliland yeelanaysaa
Ogow hada mar kasta sheeko xariirta waxay inoogu bilaabaan in DPW marsada Berbera ku maalgelinayso lacag dhan $442 Million
Kuye wejiga hore waxay DPW inoo maamulaysaa mudo sanad ah, taasoo ay marka ay ka faai’daan lacag badan wejiga labaad bilaabi doona.
Hadana Kuy’e maalgashiga dhabta ah ee DPW ku balaadhinayso dekeda Berbera wuxuu noqon doonaa lacag dhan $230 Million !
Kuy’e DPW waxay Suuqa xorta ( Free Zone ) u qoondeysay in ay ku baxdo lacag dhan $25 Million !
Lay’e Dawlada Itoobiya waxay ku maalgashanaysaa mashruuca berbera corridor lacag dhan $80 Milion!
Laye Shirkada DPW waxay Berbera Corridor u qoondeysay maalgelin dhan $80 Million ?
Kuye guud ahaan Kharajka ku baxaaya wada Berbera Corridor waa lacag dhan $240 Million?
Lay’e Somaliland oo ilaahay xaalkeeda ogyahay waxay bixin doontaa qaybteeda oo dhan $14 million
Lay’e Somaliland way ka cudur daaratay lacagtaa badan oo waxay awoodaa in ay bixiso $7 million oo qudha ?
Kuy’e Heshiiskii hore ee DPW ay la gashay Somaliland ayuun buu Heshiiska cusub ee itoobiyana ku saleysan yahay.
Sidee loo aaminayaa Shirkada Macaashdoonka ah ee DPW hadii aanay Hirgelineyn wixii hore loogu heshiiyey ?

Taariikh 25/12/2018 – 28/2/2019
Kuye Dekeda Berbera Kiradeedii Miisaaniyada laguma darin Waayo waynu sii qadimanay oo busaarad iyo abaaro ayaa dalka ka dhacay.
Kuye Shirkadan hada maamusha Dekeda Berbera waxaa loo bixiyey magaceeda DPWorld Berbera – oo tii hore meeday?
Kuye Xubnaha boodhka ee Shirkada DPWorld Berbera waxay ka kooban yihiin imaaraati iyo Somaliland oo keliya oo itoobiyan kuma jiraan- Yaab !
Kuye Saldhiga Berbera maynu kireyn oo waxay ku bedelanay Madaar iyo Wadada Berbera Corridor- Wadadee dee ma kab-kabka ? Yaabka Yaabkii !
Laye ururka midowga yurub ayaa isna bixinaya lacag dhan $30 million oo wada Berbera Corridor lagu dhisi doono- Waar kab kabku lacag badanaa ?
Kuye Dhismaha Wadada Berbera Corridor wuxuu bilaabmi doona 15/3/ 2019 Waxaana ay ku dhamaanayasaa mudo 22 bilood ah.
Kuye Wadada Berbera Corridor dhererkoodu wuxuu noqon doona 250 Km oo keliya oo kab kab wadadeenii hore ah – Yaab !!
Kuye hadana wadada Berbera Corridor dhererkeedu wuxuu noqon doonaa 245 Km , 21 Km oo bay baas ah iyo 7 biriish oo cusub. kala hadal badanaa duulku !!
Kuye lacagta ku baxaysa Wadada Berbera Corridor waa $111 million oo $90 million uu imaaraatigu bixin doono $21 million ingiriiska ayaa bixin doona.
Waxay inoogu soo khatimeen maanta in aanay jirin wax wado cusub ah oo la inoo dhisaayo ee wadadeenii hore la inoo kab kabaayo inta barwaaqadu bilaabmayso.

Gebagebo : Muxuu hadal qiimo leeyahay! mar haddii kolba filim aynu hore u daawanay laynoo shidaayo oo aan badka la soo dhigayn wixii lagu heshiiyey
oo dhameystiran oo Xaliiban oo qiime sugan wata kuna mudeysan waqtiga la bilaabayo, waqtiga uu dhamaanayo iyo cida masuuliyadeeda qaadatay intaas ayaa laga la’yahay Xukuumadan Kulmiye ee kala hadleysa. Hadii aan la hirgelin Wado cusub sidee baa loo aaminayaa looguna kal soonaanayaa Heshiiskii DPW iyo JSL wada galeen ??

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London