Somaliland Oo Shaacisay Wadda Hadal U Socda Dawlada Kenya

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda  Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay mashruuca la dhagax dhigay, waxaanu ugu horeyn uu hadalkiisi ku bilaabay “Mashruucani waa mashruuci aynu ka rajo qabnay inuu hirgalo, oo uu meel maro, alxamadulilahaa waa taas la dhagax dhigay, waxaanu rajaynaynaa in sidii loogu tagalay uu u dhammaado, waxaanu rajaynaynaa inuu wax badan ka bedelo dhaqaalaha iyo nolosha dadkaba”.

Isagoo ka hadlaya wada hadalo u socda Somaliland iyo Kenya, wuxuu Wasiirku


yidhi  “Baryahanba Dawladda Kenya wada hadalo ayaa noo socda, in halkan Xafiis ka furtaan, in xidhiidhkayagu sii kordho, ayaanu rajaynaynaa, laakiin wax kama dambaysa ah oo la gaadhay oo aan hadda ku dhawaaqi karayaa ma jiraan, Kenya oo qudha maaha, Xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Caalamku uu kordhayaa, aadna uu u kobcayaa, Wadamo badan  xidhiidh fiican baa noo socda”