Home Faallooyin Shirka Adis Ababa ee lagu sheegay shir Direed iyo Ujeedka laga leeyahay.

Shirka Adis Ababa ee lagu sheegay shir Direed iyo Ujeedka laga leeyahay.

0

Waxaa baryahanba la abaabulaayay Shir lagu sheegay in Beel weynta Direed ee ku dhaqan Bariga Ethiopia ama Ethiopiàn Somali State shirkaas oo ka dhacay 28 02.2019 Adis Ababa, shirkaasi waxa kasoo muuqday ujeedooyin badan oo Siyaasadaysan oo lagu wiiqayo wada jirka iyo nabada Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Kililka 5aad ee Itoobiya (Somali State). Shirkan waxa abaabulay ama qorshahiisa watay Siyaasiyiin aan u dhalan Gobolka Soomaalida ee Itoobiya oo doonaya inay colaad iyo fadqalalo ka dhex abuuraan Bulshada Walaalaha ah ee ku dhaqan Deegaamada Somali State ee Dir iyo Daaroodba leh. Siyaasiyiintaasi waxay adeegsanayaan kuwii hore u kala dilay Ummada Walaalaha ee ku dhaqan Somaliland oo maanta wada noolaanshahii iyo is aaminaadii Ummadaasi ay marayso meeshii ugu hoosaysay ee ay abid gaadhay, Dal iyo Dibadbana laga dareemayo xanaftii iyo cuqdadii ay beertay hadaladii iyo isku dirkii ay Bulshada ku kala qaybinayeen Sulaadiinta afmiisharada ah ee ay adeegsanayeen Siyaasiyiinta bilaa damiirka ah ee Dal iyo Dadba silica baday.

Ujeedka ugu wayn ee shirkan loo aabulay waxa ugu muhiimsan laba qodob oo aynu ka xusi karno.

1. In layska horkeeno Ummada Walaalaha ah ee Somali State ku dhaqan iyagoo Siyaasiyiinta barnaamijkan dhagaraysan wataa ay u arkayaan in culaysyada gudaha Somaliland ka haystaa ay ka khafiifanayaan oo lagu yareeyo dhawaaqyada Cadaalad doonka ah ee ay baryahanba dalbanayeen Beelo waaweyn oo Bariga iyo Galbeedka Somalilandba daga isla markaana deegaano balaadhana ka daga ismaamulka Somaalida Itoobiya, Saamayna ay ku yeelanayso Beelahaas (Garxajis iyo Samaroon), hadii xaalada amni iyo siyaasadeed ee Kililka Soomaalidu ay is badasho.

2. In Dowlada Federalka ee Itoobiya laga dhaadhiciyo in maamulka hadda jira lagu wiiqo karo hadii ummada Walalaha ah cunfi qabiil iyo shaki lagu dhex tuuro iyada oo aynu ognahay in khilaaf ka dhex oogan yahay xubno Dowlada dhexe ka tirsan iyo Maamulka Somali State.

Waxa kale oo is waydiin mudan qaban qaabiyaasha shirkan dhagaraysan ee lagu sheegay shir Direed sida Suldaan Xasan iyo Buurmadow hadii ay wadaan dan Direed waxay uga bilaabi waayeen Gudaha Somaliland oo ayna isku sanbàanayn Beelaha Direed ee daga iyagoo ilaa hadda uu taagan yahan xanaftii iyo kala qaybintii ay ummada walalaha ah ay u gaysteen iyadoo imikana laba Beelood oo beesha Direedi uu muran dhuleed ka oogan yahay Gobolka Awdal ee Somaliland oo ilaa hadana aan la dhex galin oo ciidan beeloodyo is hor fadhiyaan, cida dabada ka riixaysana la ogyahay.

Hadaba waxaanu usoo jeedinaÿnaa Maamulka Somali State iyo Ummada Deegaankaa Kililka 5aad dagtaba inay u dhug yeeshaan hagar daamada iyo dabinada loo soo maleegayo ee lagu soo dhex tuurayo Bulshadaa Walalaha ah, iyadoo loogu adeegayo cadowga iyo Siyaasiyiinta fashilmay ee dhagarta iyo khiyaamadu ay caadada u tahay.

Alla Mahad Leh.

Abdi Ismaîl Abib
Antwerpen, Belgium

1402 Vistors Online

 

LINKS

 

Newsletter Sign-up

Your Name (required)

Your Email (required)