Madaxwayne farmaajo oo fadhi iyo Joogba Diiday saakana u Duulay dalka masar

0

Socdaalka Madaxweynaha, ayaa yimid maalmo kaddib markii uu ka soo laabtay dalalka Burundi iyo Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayay, ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee  Muqdisho.

Ujeedada wafdiga uu hogaaminayo Farmaajo ayaa ah sidii ay uga qayb geli lahaayeen shirka jaamacada Carabta iyo midawg Yurub oo ka qabsoomaya Masar.

Sidoo kale waxaa lafilayaa in uu madaxwaynuhu kulan laqaato  madaxweynaha Masar C/abdifitaax Al Siisii oo haatan ah Gudoomiyaha Shir Gudoonka Ururka Midowga Afrika, iyagoo ka wada hadli doona arrimo ay kamid yihiin xiisada Soomaaliya kala dhexeysa dalka Kenya.

Socdaalka Madaxweynaha, ayaa yimid  maalmo kaddib markii uu ka soo laabtay dalalka Burundi iyo Jabuuti oo

uu la soo kulmay madaxdooda.

Maanta oo kale labo sano ka hor, Madaxweyne Farmaajo ayaa galay safarkiisa u horeeyay ee dibadda ah oo ku aado dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya, kaddib doorashadiisa.