Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Muuse Biixi Oo La Sheegay Inuu Warqadii Iscasilaada Madaxweynaha U Gudbiyey

0

Guugulaha geeska oo ah bog dhexe oo lagu daabaco wargeyska Geeska Afrika oo kasoo baxa magaalada hargeysa ayaa saaka sheegay in wasiir ka tirsan xukumadda somaliland uu warqadii is-casilada u gudbiyay madaxweyne BIIXI

Wargeysku wuxu qoray in Wasiirka Caafimaadka Somaliland Xasan Yusuf Ismaaciil uu madaxweynaha somaliland uu u gudbiyay warqadii shaqo ka tagista, isagoo sabab uga dhigay inuu xanuusanayo isla markaana loo baahan yahay inuu nasto.