Imaaradku Waxa Ay Wadaan Maaha Aynu Wada Danaysano Ee Waa Aan Kugu Danaysto, Shirkada DPW Ee Berbera Jebel Cali La Hoos Tagtay Yaa La Og Dakhliga Ay ka Qabato Dekedda”Cali Guray.

0

Ma Xataa inta ay Qadar Muqdisho siisayna! 15000 ee ciidamada ahi waa kuwo iyaga ka amar qaadanaya hadii ay jiraane ma adigaad moodi. Hadda way ogyihiin waxay Qatar ka dejisay Muqdisho.

Ilaahay hortii Saldhigaa waa lagu hoday shacbiga Somaliland. Dad aan maalin u hiilin inay cid kasta uga hiiliyaan maxaa loogu qasbayaa tolow? danaysiyo gaar ah iyo wax faro guudkood ah uun iga dheh. Waar bal dalkan yar ee Qadar eega oo bal isu eega kuwan aynu wax walba siinay ee xataa go’doomintii Qatar-na ku raacnay iyadoo aan wax inooga shaniyotoban ahi jirin ee hadana wax aan jirin inaga soo qaaday.

Waayo dee? Waar dalka miyaynaan inagu lahayn waa yaabe waa maxay sidani. Cid shacbiga Somaliland uga jawaabi karaysa miyay jirtaa bahdalaadda Saldhigga Imaaraadka wax ay ku aqbli karaan mise waa iska aqbala uun? Iskaba daa xukuumade ma Cirro ayaa hadli kara mise Faysal?

Imaaradku waxa ay wadaan maaha aynu wada danaysano ee waa aan kugu danaysto. Shirkaddan DP World ee Berbera Jebel Cali la hoos tagtay yaa la og dakhliga ay ka qabato Dekedda Berbera ( inta uu dhan yahay sida ay u isticmaasho) miyaanay ahayn xisaabxidhka khasaare iyo faa,iido in la sheego sanad kasta. Ma sir baa? Yaa yaqaan DP World Berbera Board of Directors ee iyagu masuulka ka ah maaraynta dekedda halka Jebel Cali laga maamulayo. Saw may ahayn in Berbera ay ku sugan yihiin oo fadhiyadooda ku qabsadaan hadii ay jiraan. Hadii aanay jirinse wuxuba miyaanay sharci darro wada ahayn marka lagu noqdo heshiiskii lala galay. Waa maxay sidan ay wax yihiin dee.

Somaliland Qaramada Mudoobay waynu maqalay inay Cabasho gaadhsiisaye Imaaraadka maxay ula hadli wayday ee sidii Maxamed Bulxan u odhan wayday

يا رجال انفع شي ama سافر aroorta

 

عاشت قطر

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)