Madaxweynaha Zimbabwe oo amar ku bixiyay in lasoo xiro saraakiil ka tirsan ciidamada dalkaasi

0

Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa amar ku bixiyay in lasoo xiro qaar kamid ah saraakiisha ammaanka dalkaasi oo laga soo duubay muuqal muujinayo iyagoo garaacayo nin dhalinyaro ah.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka kusoo bandhigay wuxuu ku sheegay inuu ka naxay markii uu arkay muuqaalka.

Muuqaalka ayaa muujinayay wiilka oo katiinadeysan oo madaxa laga garaacayo

John Sparks

@sparkomat

Sky News witnesses a vicious roadside beating by members of Zimbabwe’s security forces as they target and assault hundreds of people after protests over massive fuel price hikes… https://news.sky.com/video/security-officials-seen-beating-man-in-zimbabwe-11619874 

.

Security officials seen beating man in Zimbabwe

Sky News has witnessed the beating of a man who was arrested in Zimbabwe by security officials. Warning: contains images of violence.

news.sky.com

Guddiga xuquuqul insaanka Zimbabwe waxay ku eedeeyeen laamaha ammaanka dalkaasi inay jirddileen dad dibadbaxyo dhigayay.

Waxay sheegeen in ugu yaraan 8 qof lagu dilay dibadbaxyo looga soo horjeeday qiimaha shidaalka oo sare u kacay.