Madaxweynaha Uganda Yeweri Musevani, ayaa Teleshinka NTV Uganda ka sheegay in Soomaaliya  aanay lahayn dawlad nidaamsan oo shaqeynaysa, taasi oo muujinaysa niyad-jabka kaga dhacay Xukuumadda aan dalkeeda xaslan karin ee Muqdisho ku urursan.

0

Madaxweynaha Uganda Yeweri Musevani, ayaa Teleshinka NTV Uganda ka sheegay in Soomaaliya  aanay lahayn dawlad nidaamsan oo shaqeynaysa, taasi oo muujinaysa niyad-jabka kaga dhacay Xukuumadda aan dalkeeda xaslan karin ee Muqdisho ku urursan.

Madaxweynaha Uganda wuxuu tilmaamay in ay jiraan dalal badan oo aan laheyn dawlad, waxase uu carabka ku dhuftay in Soomaaliya  ka mid tahay Waddamadaas.

Yeweri Musevani wuxuu intaas ku daray in dalalka kale aanu u magacaabi karin xidhiidhka diblomaasiyadeed awgeed, waxaanu shaaciyey Somalia oo kaliya, taasina waxay ka turjumayaa siyaasiyan in aanu xaalleynayn xidhiidhkooda ama uu garwaaqsaday in aanay ka maarmi karin taageeradiisa Xukuumadda ciidammada shisheeye ilaaliyaan ee Farmaajo

““Waxaa jira dalal badan

oo aan dowlad lahayn, Waa jiraan, mana laha maamul shaqeeya, Soomaaliya ayaa ka mid ah qaar kale ayaa jira laakin ma sheegayo kuwaasi sababo diblomaasiyadeed awgood..” ayuu yidhi madaxweyne Museveni oo  hogaaminaya wadanka Uganda oo ciidamo badan ka joogaan Soomaaliya.
.
Sababta Madaxweyne Musevani uu Somalia caddeeyey dawlad la’aanta Somalia, wuxuu ogaaday inay nugul yihiin oo aanay ka kaaftoomi karin kaalinta uu ugu jiro, maadaama 6000 oo askari oo dalkiisa ka socdaa ay ka mid yihiin ciidammada AMISON ee ka hawlgala Somalia.

Waxase la yaableh in qoraal ka soo baxay Soomaaliya lagu sheegay inay hakiyeen xidhiidhkii ka dhexeeyey Uganda,taasi oo ah go’aan khiyaal ah oo lagu marin habaabinayo shacabka Somalia.