Shirka Wada Tashiga Beelaha Gadabuursi Oo Aw-Barre Ka Dhacaya , Doorka Suldaan Wabar Iyo Cabdi Ismaaciil Samatar

0

Shirweyne lagu sheegay shirka Wada Tashiga Beelaha Gadabuursi ee Itoobiya ayaa qaban qaabadiisa si weyn looga dareemayaa Magaalooyinka Jigjiga iyo Aw Barre iyo deegaamada Beeshu ka degto Kililka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya, halka sidoo kale shirkan iyo arrimihiisa si weyn looga hadal hayo Magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorama shirkaasi oo la sheegay in uu abaabulkiisa leeyahay Ugaaska beelaha Gadabuursi Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Dooddi kaasi oo muddooyinkii dambe qaban qaabadiisu ka sooctay Magaalooyinka Jigjiga iyo Aw Barre ee dalka Itoobiya.

Dhawaan ayay ahayd markii uu si rasmi ah u soo shaac baxay shirkan oo loogu magac daray Shirka Wada Tashiga Beelaha Gadabuursi ee Itoobiya balse markii dambe siyaasiyiin Beesha ka soo jeeda oo u badan kuwo qurbe-joog ahi ay ku guulaysteen in ajandaha shirka aan lagu koobin danaha Beesha ee Kililka 5aad ee talada la ballaadhiyo oo xataa wax la isaga waydiiyo xaaladda siyaasadeed ee Beesha ee dhinaca Somaliland, arrintan oo ku soo beegmaysa wakhti is baddal ballaadhani ka dhacay dalka Itoobiya gaar ahaan Kililka shanaad ee Soomaalida taasina keentay in beelaha deegaanka Soomaalida ee tabashada badan tirsanayay ay dib isu habeeyaan oo ka tashadaan sidii ay xaqooda u soo dhacsan lahaayeen iyada oo beeshani ka mid ahayd beelaha dulmiga ka tirsanayay hogaankii hore ee maamulka Kililka shanaad.

Qaban qaabada iyo hadal haynta shirkan waxa xiiso gaar ah u yeelay markii ay magaalada Jigjiga wakhtiyo kala duwan soo gaadheen Masuuliyiin u badan siyaasiyiin beesha ka soo jeeda oo intooda badani yihiin raggii aaminsanaa mabda’a Awdal State, halka sidoo kale ay ka mid ahaayeen wufuudda Jigjiga soo gaadhay Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar iyo Aqoonyahan Cabdi Ismaaciil Samatar kuwaasi oo la sheegay in ay shirkan ka qayb galayaaan balse aan si rasmi ah loo ogayn wakhtiga uu furmayo inkasta oo wararka qaar sheegayaan in uu maalinta Berri oo Jimce ah ka furmayo Deegaanka Aw Barre.

Dhinaca kale Gudaha Magaalada Boorama ayaa si weyn looga dareemayaa hadal-haynta iyo qaban qaabada Shirka Aw Barre iyada oo ay guux hoose iyo abaabul xooggan wadaan dhinacyo kala duwan oo Bulshada deegaankaasi ku guubaabinaya in shirkaasi noqdo mid midho dhala oo lagaga wada tashado danaha beesha ee Kililka 5aad iyo waliba Somaliland waxaana si weyn uga dhex muuqda dadka aadka u danaynaya shirkan odayaasha iyo culimada inta badan aadka u dhaliila nidaamka Somaliland ee saluugsan saamiga beeshu ku leedahay dawladnimada Somaliland.

Dhinaca kale waxa uu shirkani ku soo beegmayaa wakhti ilo-wareedyo xog ogaal ahi noo xaqiijiyeen in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu odayaal iyo wax-garad ka soo jeeda Gobolka Awdal ku casuumay kulan gaar ah kuwaasi oo kula kulmay qasriga Madaxtooyada walina aan la ogayn waxa ay labada dhinac ka wada hadleen.