Sheekh Shariif Oo Ku Dhawaaqay Inuu U Sharaxan Yahay Madaxtinimada Soomaaliya Soona Bandhigay Sababaha Ku Kalifay

0

Madaxweynihii hore ee soomaaliya  Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu u tartamayo madaxtinimada soomaaliya marka la gaadho doorashooyinka 2020.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu xilkan u doonayo sidii uu shacabka soomaaliya uga badbaadin lahaa kooxaha amni darada ku haya isla markaana ay shacabku garanayaan waxqabadkiisa.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlaya sababta ku kaliftay inuu mar kale isa soo sharaxo ayaa waxa uu sheegay in codsi uga yimid bulshada soomaaliya waxaanu yidhi “codsi badan ayaa iiga yimid bulshada, awood la,aanta dawlada hada jirtaana waxay igu dhalisay inaan mar kale isa soo sharaxo.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi kusii

daray Musharax Shariif in dowladda hada jirtaa aysan waxba u qaban dalka.

“Waxaan cadeynayaa in aan calanka u qaadi doono xisbiga Himilo Qaran doorashada 2020,Waxaan dareensanahay in dowlada hadda ka jirta dalka aysan waxba u qaban dadka waxaana doonayaa in aan mideeyo Soomaaliya oo aan ka dhigo mid awood leh.”ayuu yiri Sheekh Shariif.

Inkastoo dowladda hadda jirta ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u harsan tahay wax ka badan Labo sanadood ayaa hadda dhinaca kale waxaad moodaa in uu dalku gallay olole doorasho marka la eego isbaheysiyada sameysmaya iyo hadallada ay warbaahinta isku marinayaan hoggaamiyayaasha dalka.