Sida ay sheegayaan warbaahinta gudaha ee dalka Itoobiya, ciidamada amaanka ayaa xabsiga dhigay Berket Simon oo ahaa wasiirkii isgaadhsiinta ee dalka Itoobiya kaas oo ay aad iskugu dhaweeyaan raysal wasaarihii dhintay ee dalkaasi Melez Zenewi.

0

Ciidamada amaanka ee dalka Itoobiya ayaa xabsiga dhigay wasiir hore oo ka tirsanaa dawlada Itoobiya.

Sida ay sheegayaan warbaahinta gudaha ee dalka Itoobiya, ciidamada amaanka ayaa xabsiga dhigay Berket Simon oo ahaa wasiirkii isgaadhsiinta ee dalka Itoobiya kaas oo ay aad iskugu dhaweeyaan raysal wasaarihii dhintay ee dalkaasi Melez Zenewi.

Wasiirkan hore Berket Simon  ayaa lagu eedaynayaa in mudadii uu xilka hayey uu ku tagri falay hantida dawlada, iyada oo warbaahintu sheegtay in ciidamada amaanku ay saaka ka qabteen gurigiisa isaga oo uu wehelinayey sarkaal sare oo ka tirsan dawlada Itoobiya oo lagu magacaabo Tadesse Kassa.

Masuuliyiintan ayaa lagu eedaynayaa inay

lunsadeen hantida dadweyne gaar ahaana lacago loogu tala galay in mashaariic lagaga fuliyo gobolka amxaarada.

Berket Simon ayaa ka mid ahaa xubnihii aas aasay xisbiga haya talada dalka Itoobiya ee EPRDF isla markaana waxa uu xilal ka soo qabtay dawladihii ay  kala hogaaminayeen raysal wasaare Melez Zenewi iyo Hailemariam Desalegn.

Sidoo kale waxa uu jago sare ka soo qabtay laan ay dawladu leedahay oo daraasaadka qaabilsan ka hor intii aanu iska casilin sanadkii 2017.

Tan iyo markii uu isbadalka siyaasadeed ka dhacay dalka Itoobiya, xukuumada ayaa xabsiga dhigtay masuuliyiin ku dhaw boqol, kuwaas oo lagu eedeeyey falal musuq maasuq oo ay ku kaceen iyo inay ku tunteen xuquuqda bani aadamka.