Dawlada Mareykanka Oo Taageero U Muujisay Shirkada DP World

0

Dowlada Maraykanka ayaa ku taageertay shirkada xarunteedu tahay wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta ee DP World khilaafka kaladhexeeya  dowlada Jabuuti ee dhismaha dekeda Dooraale.

La taliyaha Arrimaha Ammaanka Qaranka ee dowladaMaraykanka John Bolton ayaa ku taageertay DP World khudbad uu ka jeediyay shirka dhacay dalka Jabuti kaasoo ku saabsanaa hay’adda  Heritage Foundation.

Bolton ayaa ku taageeray DP World isagoo ka hadlayay qorshaha cusub ee siyaasadda dowlada Maraykanka ee arrimaha Afrika.

John Bolton ayaa ku eedeeyay dowlada Jabuti talaabadii ay horaantii sanadkan kula wareegtay dekeda Dorale oo ay ku baab’iisay heshiiskii ay la gashay shirkada DP World.

Shirkadda DP World ayaa soo dhoweysay mowqifka dowlada Maraykanka waxana afhayeen u hadlay shirkadda sheegay in ay u mahad celinayaan dowlada Maraykanka,ayna shirkadda DP World ay weli raadinayso sidii xal loogaga gaari lahaa khilaafka dekeda Doorale.

Mowqifka uu Maraykanku ka qaatay khilaafka dekeda Dooraale ayaa waxaa uu bilow u yahay siyaasada cusub ee dowlada Maraykanka ee ah in ay ugaga soo horjeestaan wadanka Shiinaha oo saameyn ku yeelanaya wadamada ku yaal qaarada Afrika gaar ahaan Geeska Afrika.