Cadadka Lacagtii Xukumada Farmaajo ku bixisay in Lafta-gareen Madaxweyne looga dhigo Maamulka Koonfur-galbeed Somalia oo la soo bandhigay

0

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qarash gaadhaya saddex milyan oo dollar ku bixisay sidii Cabdcasiis Lafta-gareen loogu dooran lahaa madaxweynaha Koonfur Galbeed, sida uu sheegay, wasiirkii hore ee Howlaha guud ee Xukuumadda Kheyre, Saalax Sheekh Cismaan.

Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay doorashadii ka dhacday Baydhabo mid lagu shubtay, oo aan u dhicin hanaan hufan oo xor iyo xalaal ah.

Eng Saalad ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in iyadoo ay malaayiin shacab Soomaaliyeed ah ay ku dhibaateysan yihiin xeryaha barakacayaasha Baydhabo ay Xukuumadd Soomaaliya ay lacag intaasi le’eg ku kharash gareyso Guusha Lafta Gareen.

Doorashadii shalay xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaakusoo baxay Cabdicasiia Lafta Gareen, oo ahaa Musharax ay dowladda Farmaajo Muqdisho ka soo dirtay, isagoo hub, ciidan iyo lacag watana ka degay Baydhabo bishii lasoo dhaafay.

Dowladda Federaalka wali kama aysan jawaabin eedeyntan.

Lafta Gareen ayaa helay codad aad u badan wareeggii kowaad, kuwaasi oo gaadhaya 101, halka musharixii ugu dhawaa, Aadan Saransoor uu helay 22 cod, iyadoo doorashadu ahayd mid qaadatey mudo ka yar saddex saacadood.