Denmark oo ku dhawaaqday go’aan saameynaya 1000 qof oo Soomaali ah+Lacag la siinayo

0
Dowladda Denmark ayaa ku dhawaaqday go’aan saameynaya kun Ruux oo Soomaali ah, waxaana dhamaantood dadkaasi lagu soo celin doonaa Soomaaliya.

Denmark ayaa shaacisay in dhamaan dadkaasi ay lumiyeen sharciga deganaanshaha dalkaasi, islamarkaana lagu celin doono dalka Soomaaliya.

Inger Støjberg oo ah wasiirka socdaalka ee dalka Denmark ayaa shaacisay in dadkaasi ay baadhitaan ku bilaabeen badhtamihii sanadkii 2017, islamarkaana la ogaaday inay lumiyeen sharciyada dal ku jooga dalkaasi. dibna loogu celin doono Soomaaliya.

Waxay wasiirka ay sheegtay in hadda Soomaaliya ay ka jiraan meelo badan oo amaan ah, islamarkaana dadkaasi ay dib ugu laaban karaan dalkooda iyaga oo la midoobayo ehelkooda.

Dowladda Denmark ayaa sheegtay in qofkasta oo ku laabanaya dalkiisa, la siinayo taageero dhinaca safarka ah oo gaadheysa $16,056 oo doollar oo ah dadka waaweyn halka Carruurta qofkiiba la siinayo $4,817 oo doollar.

Dowladda Denmark ayaa sheegtay 42 Qof oo Soomaali ah dalkooda dib loogu celiyay sanadkii 2017dii, halka sanadkan 2018 ay dib u celisay 32 Qof oo Soomaali ah.