Hay,ada Illaalinta Tayada Badeecadaha Somaliland oo Badhitaan Ku sameeyay Bakhaarada WFB Berbera,Laakiin

0

Masuuliyiinta hay,ada Ilaalinta tayada Badeecadaha iyo Muceeshada  kala Duwan ee Somaliland Ayaa saaka baadhis ku sameeyay Bakhaarada hay,ada caalamiga ah WFP ee Magaalada berbera .

Gudoomiyaha Hay,adan Ilaalinta tayada badeecadaha Muuse xasan ayaana Horkacaayay Tiimkan baadhista ku sameenayay bakhaaradan WFP waxaana wararka Xog Ogaalka ahi Sheegayaan in Balanku Ahaa in la Gubo Ashyaal Aay kamidahaayeen Raashino waqtigoodii dhacay oo bakhaaradaa ku Xeraysnaa,laakiin an waxba la gubin,

Magaalada Berbera oo ah halka aay ku yaalaan bakhaarada waawayn ee aay leeyihiin ganacsatada soo waarida muceeshadaha ka la duwawn ee daruuriga u ah nolasha ibna,aadamka,ayaad   moodaa in hay,adan ilaalinta  tayadu  aay gabtay kormeerkii iyo dabagalkii aay ku samayn lahayd bakhaaradaa ganacsatadu leedahay.

Sida
la Ogyahayna waayadan danbe waxaa soo batay waxyaabaha macmalka ah ee Koobiga u Badan,iyo Badeecado lagasoo Bedelo taariikhdii aay soo baxeeen iyo tii aay Ku Dhacayeen am egesbaayarka ku noqnayeen,

,bulshada ayaaana siwayn ugu dhaliilaysa hay,adan in aanay shaqadeedii kazoo bixin, Goobaha ugu muhiimsan ee aay ka kaantarooli karaan badeecadha dalka soo gala waa dekada berbera runtiin ma arkaysid wax doora oo aay ku leeyihiin dhaqdhaqaaqa ganacsiga dekada berbera kazoo dega sidii aay ulasocon lahayeen badeecadahaiyo tayadooda,