Qarax Ka Dhacay Magaalada Buudoodle Iyo Khasaaraha Ilaa Hada Ka Dhashay

0

Qarax looga adeegsaday gaadhi ayaa goor dhawayd ka dhacay magaalada Buuhoodle.

Qaraxa oo ka dhacay agagaarka Masjid Jaamaca Buuhoodle ayey wararku sheegayaan inay ku dhinteen afar qof oo uu ku jiro masuul wasiirka arimaha gudaha wakhti hore ugu magacawnaa maamulka Khaatumo.

Ilaa hada dad dhaawacyo kala duwan qaba ayaa la gaadhsiiyey cusbitaalka Buuhoodle.

Wasiirka hawlaha guud ee somaliland ayaa wariyeyaalย  u xaqiijiyey qaraxa ka dhacay Buuhoodle, iyada oo aan ilaa hada laย  ogaan Karin khasaaraha dhabta ah ee uu sababay qaraxaasi.

Wararka ka imanaya Buuhoodle ayaa sheegaya in rasaasi hada ka dhacayso gudaha magaalada, iyada khasaaraha qaraxu gaystay iskugu jiro naf iyo mood.