Cadho Xun oo jabuuti ka Qaaday safarkii farmaajo ee Asmara, warsaxaafadeed Kasoo baxay safaarada jabuuti ee Muqdisho,

0

Dawladda Djabouti ayaa markii ugu horeysay shaacisay in aad uga xumaaday go’aanka ay dawladda Federaalka Soomaaliya kaga cadsatay Qaramada Midoobay in cuno qabataynta laga qaado Dalka Eritrea.

Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa dhawaan socdaal ku tagay Dalka Eritrea, waxaana war Qoraal ah oo ka soo baxay Safaaradda Ay Djabouti ku leedahay Magaaladda Muqdisho lagu yidhi “Dawladda Djabouti iyo shacabkeeda waxa naxdin ku noqotay war qoraal ah oo uu madaxweyneha Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Booqashadii uu ku Tagay Asmara ka dib uu soo saaray kaas oo uu kaga codsanayo qaramada Midoobay in cuno qabataynta lagaga qaado dalka Eritrea.

Cunoqabatayntan oo la saaray dalka Eritrea sanadkii 2009-kii maadama ay taageerto ururada argagaxisada ah

isla markaana muran dhinaca xuduuda ahi uu u dhaxeeyo Djabouti.

Marka loo eego xidhiidhada caalamiga ah shaki kuma jiro in  Soomaaliya ay xidhiidh la yeelan karto dalalka ku yaala Geeska Afrika, si kastaba ha ahaatee waxa aan la aqbali Karin in aanu aragno  dalka aanu walaalanahay ee soomaaliya oo taageero u muujinaya Eritrea oo haysata dhul ay Djabouti leedahay, walina ay dafirayaan in ay hayaan maxaabiis u dhalatay dalka Djabouti.

Waxa ay ahayd in warka ka soo baxay soomaaliya lagu sheego in ay dhexdhexaadin ka wadaan labada wadan ee Djabouti iyo Eritrea, kuwaas oo uu maran dhinaca xuduuda ahi u dhaxeeyo, isla markaana ay raadiyaan in ay hanaan nabadi ku dheehan tahay ay uga wada hadlaan murankooda dhinaca xuduuda” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkaasi ka soo baxay Safaaradda Djabouti ay ku leedahay Magaaladda Muqdisho.

Sidoo kale waxa warsaxaafadeedkaasi lagu sheegay in Dawladda Djabouti ay taageero Milatari u muujisay dadka reer soomaaliya, hasayeeshee ay tahay arrin aan loo dul qaadan Karin mida ay ku dhaqaaqeen madaxda dalka soomaaliya.

Waxa kale oo lagu sheegay Warsaxaafadeedkaasi in ay tahay wax aan loo dul qaadan Karin in  Wiilasha Iyo Hablaha reer Djabouti ee hawlaha nabadeed u jooga soomaaliya ay ka shaqeeyaan danaha shacabka soomaaliya, Xukuumadda soomaaliyana ay u hadasho sidaas, ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkaas.