Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa Golaha Wakiilada Somaliland ku dhaliilay in ay ka soo bixi waayeen doorkii ay ku lahaayeen ictiraaf raadinta Somaliland.

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa Golaha Wakiilada Somaliland ku dhaliilay in ay ka soo bixi waayeen doorkii ay ku lahaayeen ictiraaf raadinta Somaliland.

Sacad Cali shire ayaa faray Golaha wakiiladda Somaliland in ay xidhiidho la sameeyaan Baarlamaanada calaamka si ay kor ugu soo kacdo heerka Ictiraaf raadinta Somaliland “Shacabka iyo Baarlamaankaba waxa aan leeyahay, waxa aan leeyahay iyaga laftoodaba wax badan ku xidhane in ay kaalintooda ka soo baxaan.

Tusaale ahaan xagga siyaasadda, waxa aynu iibino oo aynu Dunida la hor tagnaa waxa weeye Dimuqraadiyad iyo Nabbad.

Dimuqraadiyadda waxa weeye macnaheedu in


ay doorashadu dhacdo xilligeeda, waxaana iminka la inooga baahan yahay oo wax badan ka taraysa ictiraafkeena in Doorashada 2019-ku ay inoo dhacdo, iminka markaad tidhaahdo baarlamaankeenu 12 sanadood buu joogay, dee Dimurqaadiyadii aad iibinaysay, waxbay dee u dhimaysaa” ayuu  yidhi

Sidoo kale waxa uu wasiirku ka hadlay dib udhaca ku yimaada doorashooyinka Baarlamaanka oo iyaduna caqabad ku ah in ay Somaliland dunida inteeda kale ka iibiso Qadiyadda Madax banaanida Somaliland.

Markaa waxyaabaha uu baarlamaanku naga taageeri karaa waxa ay tahay in horta doorashada la qabto, waxa kale oo uu naga saacidi karaa waxa weeye in shaqaaqooyinka ka taagan gudaha iyada lafteeda doorkii ay ku lahaayeen in ay ka ciyaaraan nabadda aynu iibinayno lafteeda in ay qaybtooda ka qaataan ayaa runtii looga baahan yahay, waxa kale oo loo baahan yahay in ay Baarlamaanada Caalamka in ay la xidhiidhaan.

Marka aanu anagu wasaaraddaha Arrimaha dibada la xidhiidhno iyagana waxa looga baahan yaha in ay  baarlamaanada la xidhiidhaan, anagu taayadii waanu qabsanaynaa iyagana waxa laga rabaa in ay dee qabsadaan shaqada u taala” ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire oo HCTV U Waramayay.