Kulanka Faysal iyo Farmaajo Dhex Maray Uma Arko In Uu Wax Soo Kordhinayo” Mujaahid Cali Guray

0

Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa ka hadlay sida uu arko kulanka Belgium ku dhex maray Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in uu yahay kulan aan waxba kaga duwanayn kulamo uu Faysal Cali Waraabe hore ula yeeshay madaxweyneyaal soo maray soomaaliya.

“Horta Faysal Baa arkay Madaxweyne Ka tirsan Soomaaliya, kolay inta aan ogahay waa markii saddexaadba, waana madaxweynihii saddexaad ee uu arko, markaa anigu wax iga yaabiya uma arko.

Waxa aan xasuusanahay mar baa la  weydiiyay waxa aad salaantay Shariif, waxaanu ku jawaabay

oo haddii aan salaamay Ma Ebola ayuu qabay.

Xassan Sheekh oo ay la socoto Wasiirkiisii arrimaha Dibada ee Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan London buu kula kulmay oo wuu qasbay, haddii Uu Farmaajo arkayna anigu waxyaabahaas hore wax ka duwan ma arko” ayuu yidhi Cali Guray oo uu waramayay Eryaltv.