Baarlamanka Israel ayaa maanta ansixiyey sharci muran badan dhaliyey oo 70 sano Ansaxintiisu qaadatay,

0

Baarlamanka Israel ayaa maanta ansixiyey sharci muran badan dhaliyey oo dhigaya in kaliya dadka Yahuudda ee Israel ay leeyihiin xuquuqda go’aan ka gaaris ee dalka, islamarkaana dhiiri-gelinaya deegaanada Yahuudda.

Shircigan ayaa lagu ansixiyey codad ah 62-55 kadib sideed saac oo dood xooggan iyo cambaareyn ah, gaar ahaan xubnaha carabta ee ku jira baarlamanka.

Sharci-dejiyayaasha carabta ayaa jeexay nuquladii sharciga, ayaga oo ugu yeeray “geeridii dimoqraadiyadda” iyo “faquuqii ugu sarreeyey” ee Israel.

Hase yeeshee, ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ammaanay sharciga oo uu ugu yeeray “daqiiqad taariikh weyn u leh sahyuuniyadda iyo dalka Israel”

70 sano kadib markii la aas-aasay dalkan Yahuudda, ayaa sharciga waxa uu qeexayaa “Israel waa dhulka taariikhiga ah ee dadka Yahuudda, waxayna leeyihiin xuquuqda gaarka ah, ee go’aan ka gaaristeeeda”