Ra’iisulwasaaraha Itoobiya oo ka garaabay dhibaatada Muslimiinta lagu hayo

0

Guddiga xal u raadinta dhibaatooyinka Muslimiinta Itoobiya haysta ayaa la kulmay ra’isulwasaare Dr Abiy Axmed.

Guddigu waxay sheegeen in ay ra’iisalwasaaraha u bandhigeen dhammaan eexda iyo xadgudubyada xorriyadda Muslimiinta Itoobiya oo qarniyo soo taagneyd.

Dr Abiy oo cabashada Muslimiinta ka garaabay ayaa magacaabay guddi madax bannaan oo 9 xubnood ka kooban oo cabasha kasta iyo xalkeeda si tafatiran u soo diyaariya uguna soo bandhiga kulan dambe oo ay ku ballameen.

Inta la ogyahay waa markii u horraysay taariikhda Itoobiya ee Muslimiinta Itoobiya ay si ramsi ah cabshadooda ugu bandhigaan masuul haya hogaanka dalka.

Wariyaha BBC-da Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam ayaa warbixintan Jigjiga ka soo diray.Guddiga xal u raadinta dhibaatooyinka Muslimiinta Itoobiya haysta ayaa la kulmay ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed.
Guddigu waxay sheegeen in ay ra’iisal wasaaraha u bandhigeen dhammaan eexda iyo xadgudubyada xorriyadda muslimiinta Itoobiya oo qarniyo soo taagneyd.