Xukuumada Raysal wasaare Appy oo Shaqadii ka Eriday Shan taliye Xabsi Oo Awood Ku lahaa dalkaasi,

0

Dowladda Itoobiya ayaa shaqada ka ceeyrisay shanta taliye ee ugu sarrayso xabsiyada dalkaasi.

Xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in Ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu shantaasi sarkaal uu ku baddalay saraakiil cusub oo hoggaamin doono maamulka xabsiyada Itoobiya.

Jeneraal General Berhanu Tsegaye wuxuu sheegay in saraakiisha shaqada laga tiray ay gabeen shaqadooda.

Xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya wuxuu sheegay in maxaabiista aysan helin daryeel islamarkaasna xuquuqda aadanaha aan laga qaddarin xabsiyada Itoobiya.