DEG DEG, Xildhibaano Guurtida ah oo Isku bahaystay Sidii Xilka Looga qaadi lahaa saleebaan gaal oo da,diisu waynaatay,

0

Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxaa ka dhex istaadhan mooshin la doonayo in xilka lagaga qaado Guddomiyha Golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan.

Xildhhibaano ka tirsan golaha guurtida ayaa dood ay ka yeesheen ajandaha kal fadhiga 66aad ku soo jeediyey la furo xeer hoosaadka golaha guurtida kaas oo awoodo badan siinaya gudoomiye Saleebaan.

Buuq badan oo ka dhashay fadhigii shalay ee golaha guurtida ka dib waxa laysla gartay cod loo qaado in ajandaha kal fadhiga 66aad lagu soo daro wax ka badalka xeer hoosaadka golaha .

Mooshinkan ayaa waxa wada xildhibaano Ay Ka Mid Yihiin.

Xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxaan

Xildhibaan Maxamed Maxamuud

Yaasiin “Dheeg”

Xildhibaan Dayib Xasan Muxumed

Xildhibaan Cawil Dhawiil Xasan

Xildhibaan Cabdicasiis Boosh-cadde

Xildhibaan Siciid Cabdilaahi Yasir

Xildhibaan Cabdiraxmaan Laangadhe-libaaxo

Xildhibaan Faysal Ciise Ubaxle

Xildhibaan Xirsi Ciise Jaamac

Xildhibaan Jirde

Intan oo kaliya kuma koobna Xildhibaanada doonaya in Xeer hoosaanka golaha dib loo furo balse waxaa jira kuwo kale oo iyaguna Hanqalka taagaya haddii golahu u coddeeyo in Cod la galiyo furitaanka Xeerkani.

Xeer-hoosaadkan ayaa haddii la furro oo golahu ogolaado waxaa la doonayaa in Xilkooda ay waayaan Shirguddoonka golahaaasi.