Dawlada Itoobiya Oo Sii Daysay Cabdikariin Qalbi Dhagax Iyo Suldaan Ka Qayb Qaatay Sii Dayntiisa Oo Faah Faahiyey Habka Loo Maray

0

Dawlada federaalka ee dalka Itoobiya ayaa xoriyadiisa u soo celisay Cabdikariin Sheekh Muuse(Qalbi Dhagax) oo mudo sanad ku dhaw ku jiray gacanta dawlada Itoobiya.

Suldaan Foosi Maxamed Cali oo ka mid ah madax dhaqameedka dawlada deegaanka soomaalida Itoobiya ayaa shaaciyey sii daynta Cabdikariin Qalbi Dhagax, isaga oo xusay inuu haatan ku sugan yahay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.Suldaan Foosi oo ka hadlaya wakhtiga la sii daayey Cabdikariin Qalbi Dhagax ayaa waxa uu yidhi “ Saaka 8-dii subaxnimo ayaa la sii daayey, waxaanu haatan gacanta ugu jiraa dadkiisa oo uu la joogaa cidna gacanta uguma jiro, waxaanan ku suganahay Addis

Ababa.”ayuu yidhi Suldaan Foosi Oo La Hadlay VOA

Suldaan Foosi oo faah faahinaya qaabka ay ku timid sii daynta Qalbi Dhagax ayaa waxa uu yidhi “Qaabka sii dayntiisu waxa weeyaan isaga oo si aan sharciga waafaqsanayn ayuu gacan ugu jiray, dawlada cusub ee Itoobiya wax badan ayey qabatay waxna way u dhiman yihiin, markii aanu xogogaal u noqonayn inuu gacanta ugu jiro si aan sharciga waafaqsanayn ayaanu dawlada ku war gelinay, dawlada ayaana amarka lagu sii daayey bixisay, caafimaadkiisa iyo muuqaalkiisuna way fiican yihiin, wax dhib iyo dhaawac ah midna ma qabo.”

“Dawlada federaalka ah ee Itoobiya ayaa gacan ka gaysatay oo sii daysay  sidaas ayuu ehelkiisii iyo dadkii uu ka dhashay ula joogaa, xaaskiisa ayaana magaalada Joogta balse caruurtiisu Kenya ayey ku sugan yihiin.”

Qorshihiisuna waxa weeyaan wuu joogayaa, wadankiisii ayaanu joogaa, waxaanan rajaynaynaa inu la kulmo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dawlada”