Deg Deg, Maraykanka oo Toogsho kale Ka Dhacday Meel Buuq Badan

0

Toogashada ayaa ka dhacday dhismaha Wargeyska Capital galabnimadii talaadada xiliga Maraykanka,waxaana lagu dilay dad gaaraya shan qof, tiro kalena waa dhaawac

Weriye meesha joogay ayaa sheegay in qof hubaysan uu dadka ka toogtay muraayada dhismaha.

Shir jaraa’id oo maamulku ay qabteen ayaa lagu sheegay in ay dhacday toogasho galabnimadii Talaadada.

‘Dad badan ayaa shilkani ku dhintay’ Waxaa sidaasi yiri sarkaal maamulka u hadlay.

Boolisku waxay sheegeen inaysan sheegi karin nooca hubka la isticmaalay.Waxayna intaasi raaciyeen in qofka laga shakisan yahay ay boolisku baaritaan ku hayaan.

Waxaana baaritaanada socda ka qaybqaadanaya hay’adaha amaanka oo FPI ay ka mid tahay.

Sarkaal lagu magacaabo Ryan Frashure ayaa sheegay inaanan la xaqiijin karin in toogashadu ay ka dhacday qolka wararka. Waxuuna intaasi raaciyay in boolisku ay weli dadka ka saarayaan dhismaha.

Wargeyskan la weeraray ayaa ah jariirad maalinle ah kana tirsan warbaahinta Capital Gazzete.