Shirkan Buurta gacan Libaax Waxaa wada Garxajiskii Xisbiga Wadani,Waxaana Suura gala, Siyaasi jaamac Shabeel

0

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cigaal (Jaamac Shabeel) ayaa sheegay in shirka buurta gacan libaax uga socda mid ka mid ah Beelaha Somaliland laga filan karo natiijaddiisa arrimo uu khayr ugu jiro somaliland.

Jaamac Ismaaciil Cigaal (Jaamac Shabeel) oo maanta warbaahinta ugu warmayay Magaaladda Hargeysa ayaa yidhi  “Shirka Wax Aan Khayr Ahayn Oo Laga Sugayaa Ma Jirto, umada intaas le’eg ee meel isugu tagtayna waxa laga sugaa waa khayr uun, ismana lihi waxa ka soo bixi doona wax dhibaato wadanka ku ah.

Shirkuna sida aynu ka wada warqabno waxa uu ka


dhashay caadifadii doorashadii, waxaana shirkaasi abaabulay Garxajiskii Waddani oo shirka ka shaqeeyay, guddiyadda shirkuna ay ahaayeen.

Garxajis saddexda xisbi ku wada jiraana shir ay u dhan yihiin muu ahayn, shirkaasna iminka Garxajiskii Waddani iyo Kii UCID labaduba way tageen, markaa hadii lagu dhan yahay ka fili mayno in ay ka soo baxaan wax aan khayr ahayni. Shirkan waxa iyaguna waday qurbe joog ah caadifadi waday oo aan la soconin waaqaca iyo xaalada wadanka, laakiin marka ay yimaadaan waxa ay ila tahay in ay wax badani iska bedelayaan” ayuu yidhi