Ururka Xasaradaha Aduunka Oo Warbixin Cusub Ka Soo Saaray Dagaal Mar Kale Ka Dhex Qarxi Kara Somaliland Iyo Puntland

0

Ururka xasaradaha aduunka ee  International Crisis Group ayaa ka digay dagaal mar kale dhex mara dawlada somaliland iyo maamul goboleedka soomaaliyeed ee Puntland.

Warbixin uu ururku soo saaray ayuu ku sheegay in labada dhinac ay ciidamo badan soo tubeen jiida ay isku hor fadhiyaan ee Tukaraq, iyada oo ay suura gal tahay in mar kasta uu dagaal qarxi karo.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in labada dhinac ee somaliland iyo Puntland ay diideen dhex dhexaadinta ay qaramada midoobay ka dhex maday.

Warbixinta ICG ayaa lagu sheegay in qaramada midoobay oo kaashanaysa wadamada Itoobiya iyo dawlada federaalka ah ee soomaaliya ay dib u bilaabeen
dedaaladii  dhex dhexaadinta ahaa ee ay ka dhex wadeen  maamulka Puntland iyo dawlada Somaliland.

Muhiimada ugu weyn ee dhex dhexaadintan ayaa lagu sheegay in labada dhinac lagu qanciyo inay kala qaadaan ciidamadooda iyo inay ogolaadaan in gargaarka bani aadaminimo la gaadhsiiyo dadka ku baracay dagaalada iyo inay ogolaadaan in mustaqbalka ay ka wada hadlaan khilaafka u dhaxeeya.

Sidoo kale warbixinta ICG ayaa lagu sheegay in labada dhinac ee somaliland iyo Puntland ay danaynayaan xasilooni iyo nabad ka dhex dhalata.