Madaxwaynaha dawlada xamar oo Gudoomiye Cusub u Magacaabay maxkamda sare ee dakaasi, somaliya

0

Aniga oo ka jawaabaya ballan qaadkeygii ahaa in la helo nidaam garsoor oo ku dhisan hufnaan iyo caddaalad, waxaan maanta xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka u magacaabay Mudane Baashe Yuusuf Axmed” waxaa sidaasi lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku booriyay Golaha Shacabka iyo Xukuumadda in ay soo dhameystiraan Golaha Adeegga Garsoorka, lana waafajiyo dastuurka kumeel gaarka ah iyo sharciga dhismaha golaha adeegga garsoorka, si dib u habeyn dhab ah loogu sameeyo hay’adaha garsoorka ee Soomaaliya.

Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed wuxuu shahaadada koowaad ee Jamacadda ka qaatay Jaamacadda Hargeysa, halka tan labaadna uu ka qaatay University of Hertfordshire, Hatfield oo ku taalla dalka Ingiriiska.

Garyaqaan Baashe waxa uu hore usoo noqday La-taliye sharci, Bare Jaamacad, qareen iyo cilmi baare sharci. Muddo 10 sano ka badan ayuu kusoo jiray hawlaha garsoorka iyo talo-bixinta sharciga.

Waxa ay wada shaqeyn dhexmartay hay’ado caalami ah oo ay kamid yihiin USAID, UNDP, UN WOMEN, IRI, Mercy Corps, UNICEF iyo Wasaarado ka tirsan dowladda federaalka ah oo ay kamid tahay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, hay’ado dowli ah iyo kuwa aan dowli ahayn oo ka dhisan Somaliland.

Waxa uu la taliye kasoo noqday Maxkamadda Sare ee Soomaaliya sanadkii 2016-kii, waxaa uu na sidoo kale muddo 8 sanadood ah xubin ka ahaa ururka isu-tagga qareennada ee Somaliland.