Xildhibaano Ay Hore iskugu Dhaceen Xisbiga Ucid Oo Mar Labaad Dalbaday In Xisbigaasi Ay Iska Sharixi Karaan

0

Xisbiga Ucid oo Durba Helaya Rag Miisaan Leh oo Quud daraynaya In aay Iska Soo Sharaxaan Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Golayaasha Degaanka ee sanadka Fooda Inagu Soo haya ka dhici Doona jamhuuriyada Somaliland,

Musharxiin Hore Uga Soo baxay Xisbiga Ucid Doorashadii u danbaysay ee Golayaasha Degaanka sanadkii 2012 ki Dabayaaqadiisii Laakiin mudo yar gudaheed markiiba sheegay in aay ka baxeen xisbigaasi kuna biirayaan xisbiga talada haya ee kulmiye Ayaa xiligan waxaa soo baxay in aay si wayn u shukaansadeen Gudoomiyaha Xisbigaasi Ucid faysal cali waraabe kana dalbadeeen in aay marlabaad xisbiga iska sharaxaan,

Siyaasiga Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali waraabe Ayaa Illo Xog Ogaali
ahi Sheegayaan in uu Markiiba ka Aqbalay dalabkaa Xildhibaanada Golaha degaanka ee Magaalooyinka Somaliland  ugu waawayn Qaarkood,

Xildhibaanadan Ayaa sida la ogyahay  waxaay  maxkamada Sare ee Somaliland isla galeen  gudoomiye faysal cali waraabe  inkastoo aan xukun dhicin laakiin dagaal afka ah oo warbaahinta laysku adeegsaday ayaa dhex maray sanadkii hore ee 2017kii,

kadib markii xildhibaanadan oo iskugu jiray mayor,o iyo xildhibano caadi ah aay qabsadeen xaflad aay kaga baxayaan xisbiga ucid  kuna biirayaan xisbiga kulmiye