Cajiib, Nin Reer Maali ah oo Badbaadiyay ilmo yar oo Fooq afar dabaq ah ka laalaada Daaqadiisa,

0

Soogalooti reer Mali ah ayaa halyay lagu tilmaamay ka dib markii uu badbaadiyay ilmo yar oo ka laadlaada dabaqa afraad ee dhisme ku yaalla magaalada Paris.

Muuqaal laga duubay sida cajiibka ah ee Mamoudou Gassama uu u badbaadiyay ilmaha ayaa baraha bulshada qabsaday oo dadku aad isula wadaageen.

Wax ka yar hal daqiiqo ayuu balakoonnada dabaqa isaga kala gudbay qabtayna ilmaha yar ee afar jirka ah.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku martiqaaday Aqalka Faransiiska looga taliyo ee Elysee Palace Isniinta, si uu ugu mahadceliyo.

Duqa magaalada Paris Anne Hidalgo ayaa ammaantay halyaynimada uu sameeyay wiilka 22 jirka ah waxayna sheegtay in ay wacday si ay ugu mahadceliso.

Hidalgo ayaa Twitterka ku soo qortay “Waxaan u hambalyaynayaa Mamoudou Gassama geesinada uusameeyay ee uu ku badbaadiyay nolosha ilmaha yar”

“Wuxuu ii sheegay in uu bilo ka hor ka yimid Mali uuna ku riyoonayo in uu nolol ka samaysto halkan”

“Waxaan ugu jawaabay geesinimada aad muujisay ayaa tusaale u ah reer Paris oo dhan, wayna caddahay in magaalada Paris ayay kugu taageeri doonto dadaalka aad Faransiiska ku dagayso”.