Deg Deg, Caasimada Paris oo Weear Ka Dhacay ,Dhimasho iyo Dhaawacba,

0

Boosliiska Faransiiska ayaa sheegaya in nin toorreey sitay uu dhowr qof oo waddo marayey ku toorriyeeyey bartamaha magaalada Paris, asagoo dilay hal qof dhowr kalena dhaawacay.

Waxay booliisku intaas ku daryaan in ninkii toorrayda ku hubaysnaa ay toogteen, weerarka ayaa ka dhacay halka lgu magacaabo Opera area.

Dad goobjoogayaal ah ayaa kusoo warramaya in la arkayey xaalad murugo leh, iyo qaylada dad barooranaya iyo sidoo kale dhawaqa rasaasta.

Ayadoo hoonka gaadiidka gurmadka dagdaga ahna la maqlayey, dawladda ayaa ammaantay jawaabta dagdaga ah ee uu booliisku bixiyey. Ayadoo faahfaahin arrintaas la xiriirtana ay wali soo baxayso.