Deg Deg, Bidartii Oo Dawo Loo Hellay, Dadkoo wada Food Dheere Noqon Doona,

0

Baarayaasha caafimaadka ayaa ogaaday in daawadani ay ka hortagi karto borotiinka loo yaqaanno SFRP1 oo xanniba korriinka timaha.

Madaxa mashruuca dhakhtar Nathan Hawkshaw oo ka socda jaamacadda Manchester ee dalka Ingiriiska wuxuu sheegay in isbeddel ay u keeni karto dadka ay timaha ka buubeen.

Waxaa la sheegay in labo daawo oo keliya ah hadda la hayo oo wax looga qaban karo bidaarta.

Waxayna kala yihiin:

  • Daawada minoxidil, waxay daawayn kartaa bidaarta ku dhacda ragga iyo haweenka.
  • Daawada finasteride, waxa daawayn kartaa bidaarta ragga oo kaliya ah.Daraasaddan waxaa shaaca ka qaaday xarunta daraasaadka ee PLOS Biology waxaana lagu sameeyay shaybaar kaddib markii 40 rag ah timahooda tijaabo lagu sameeyay isla markaasna timaha loo abuurayay.

    Dhakhtar Hawkshaw ayaa BBC-da u sheegay in baaritan dhanka caafimaadka loo baahan yahay waa haddii daawadani ay noqoto mid wax tar leh oo aanan dhibaato u keenaynin dadka bidaarta qabo ee timo raadiska ah.

    Timaha inay kaa go’aan waa arrin maalin kasta dhacda taas oo walaac u horseedda dadka qaar.

    Walaacaasi oo noqon kara mid joogta ah iyo mid markaas oo keliya ah.

    • Timaha oo si degdeg ah ay kaaga buubaan
    • In timaha qaar ay kaa go’aan oo dhibco madaxaaga lagu arko
    • Qayb qayb haddii timahaagu ay u go’aan
    • Madax cuncun iyo olol
    • Walwal ah in timaha ay kaa buubi karaan

    Afahayeen u hadlay ururka ay ku midoobeen dhakhaatirta maqaarka ayaa BBC-da u sheegay in daraasaddan ay tahay mid muhiim ah oo dabooli karta baahida ay timaha u qabaan dadka bidaarta qaba.

    Wuxuu intaasi ku daray in daraasado kale la sameeyo ka hor inta aan lagu dawaynin dadka ay saamaysay timo go’a.