Berbera, Xaalad Shidaal la,aan oo ka taagan Berbera

0

Xaalada Shidaal la,aanta oo Kor Usii Kacday Kadib Markii Maalmihii u danbeeyay uu Istaagay Shidaalkii Xumaa ee haamaha Lagasoo Dhaamin Jiray,

Kaalmaha Shidaalka ayaa Intooda badan   Haawanayaan oo wax Shidaala ma hayaan,[ Patrol] markalaga reebo labo ama sadex kaalmood oo booyado shidaala ,patrol kazoo dhaansaday  dalka jabuuti,  inkastoo shidaalakaasi Qaali dhaafay oo halkii litir lagu Iibinayo  hal doolar in ka badan,

Hadaba Illaa Iminka ma  cada waxa u Qorshaysan Masuuliyiinta  Maamula haamaha Shidaalka berbera Maadaama aay Iyagu gacanta Ku hayaan Ishii Shidaalka ee qarankani lahaa, iyoSida Aay ka Yeelayaan Shidaalkii Xumaa oo wali Ku Jira Kaydka haamaha,

Wasaarada ganacsiga Somaliland Ayaa Iyaduna ka gaabisay Shaqadeedii waayo  Xaalada Shidaal la,aanta lama Socotaba ,

Kumanaan Qof Ayaa Ku Shaqaysta  Gaadiidka yar yar oo Masaariifta ka Hella ,  Hadii aay Shidaal waayaana  waxaa Soo Food saari doonta shaqo la,aan Mushkilat Abuurta,

Xalada Shidal la,aantu Halkii Ugu Hoosaysay ayaay maraysaa  waxaanay dib Inoo xasuusinaysaa sanadaihii  Dhowr iyo sagaashankii ee Shidaalka laga keeni Jiray jabuuti iyo Ethiopia, taas oo manta Sumcad ahaan  qarankan Magac Xumo ku ah in Manta Kaydkii haamaha shidaalku  Xidhan yihiin oo Aan wax shidaala laga Dhaaminayn, Mana Jirto wax rajo Dhow ah oo Oo Masuuliyiinta Shirkadaha haysta  Kaydka hamuhu u Sheegeen Shacabka in aay Keenayan shidaal nadiifa,