Sheikha Latifa, oo ah gabadh uu dhalay Shekh Maxammed Bin Rashiid Al-Makhtoum oo Ah Madaxawynaha Imaraadka Ayaa la Laayahay jan iyo Cidhib Meelay Dhigtay

0

Hay’adda u dooda xuquuda aadanaha ayaa ugu baaqday xukumadda Dubai iney jawaab ka bixiso arrinta ku saabsan amiiradda la la’yahay

Sheikha Latifa, oo ah gabadh uu dhalay hoggaamiyaha Imaaraadka ayaa waxaa la sheegay iney u baxsatay si ay u hesho noolal xor ah oo ay dibadaha ugu noolaato.

Balse dad xog ogaal ah ayaa waxay sheegayaan gabadhan noolashada raaxada ah ku jirtay iney India aadday kaddibna ay ku soo noqotay Dubai, wixi ka dambeeyeyna aan la arag.

Saraakiisha Dubai ayaa waxay ka gaabsadeen arrinta amiiradda arrima sharci oo jira awgood.

Sheikha Latifa, oo ah gabadh uu dhalay Shekh Maxammed Bin Rashiid Al-Makhtoum in la qabtay iyada oo dooneysa iney dalka ka baxsato.

War BBC-du ay ka baahisay jimcihi baaritaan qoto dheer oo ay arrintani ku sameysay kaddib ayaa waxuu sheegayaa iney gabadhu taageero ka heshay Sirdoon hore oo Faransiis ah iyo nin kale oo Finland u dhashay.

Sabtidi ayey hay’adda xuquuqda aadanaha u doodad xukumadda Dubai weydiisay iney war cad ka soo saaraan halka ay ku sugan tahay Amiiradda iyo arrimaha sharciga ee la xidhiidha.

Balse Dubai waa ay ku guul darreysatay iney wax faahfaahin ah ka bixiso arrinta amiiradda taasoo muujineyso in amiiradda si ula kac ah loo qariyey.

Sheikha Latifa waxay saaxibbadeed u sheegtay iney dooneyso iney ka baxsato cadaadiska ay ehelkeeda ku hayaan, balse mudda laba bilood aysan amiiradda arag wax akhbaarteeda ku saabsanna ay maqal, iyaga oo aad uga murugsan caafimaadkeeda iyo xaaladda ay ku sugan tahay oo aan la garaneyn.

Koox ku sugan dalka Ingiriiska ayaa waxay sheegayaan Sheikha Latifa 4-ta bisha Maarso iney ku sugneyd dhul xeebeed India ku yaallo.

Saraakiisha Dubai waxay BBC-da u sheegeen dadka u doodaya arrimaha amiiradda iyo waayitaankeeda ay faraha kula jiraan fal dambiyeed ay dhib kala kulmayaan.