Xog Rasmiya, Dawlada Imaaraadka carabta oo Balan Qaaday in Sacuudigu Ka Qaadi Doono Xayiraadii Xoolaha Dekada Berbera, iyo Bdelkeda oo aay gali Doonto Jabuuti

0

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa Somaliland u balan qaaday inay dawladda Sucuudiga ku qancin doonto inay xayiraadda ka qaado xoolaha Nool ee ay xayiraadda saartay ee ka dhoofa dekedda Berbera

Wargeyska Indian Ocean ayaa cadadkiisii shalay soo baxay wuxuu baahiyay warbixin uu ciwaan uga dhigay “Hanjabaadaha Carabta iyo ballanqaadyadooda dekedaha”, taas oo uu kaga hadlay dekedaha Berbera iyo Djibouti.

Wargeyska Indian Ocean ayaa warbixintiisa ku sheegay  in dawladda Imaaraadka Carabtu ay Madaxweyne Muuse Biixi 23 April ku soo wargelisay inay kor u qaadi doonaan suuqa dhoofka xoolaha ee Somaliland, iyagoo dawladda Sucuudiga ka dalban doona inay qaado xayiraadda uu saaray dabayaaqadii sannadkii

2016 xoolaha nool. Wargeysku wuxuu sheegay in isla maalintaas ay dawladda Imaaraadka Carabtu bilowday inay Fiisaha dalkeeda saarto Baasaaboorka Somaliland, iyadoo hoos u dhigtay Basaaboorka Soomaaliga ah.

Geesta kale, warbixinta Indian Ocean baahiyay waxa kale oo ay sheegtay in dawladda Sucuudigu ay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele u soo dirtay farriin ay u soo marisay safiirka Sucuudiga ee Djibouti Cabdulcasis Cabdalah Daud. Farriintaas ayuu sheegay wargeysku inay tahay mid hanjabaad ah oo uu Sucuudigu madaxweyne Geele uga digayo inuu la wareego dekeda Djibouti ee ay DP world maamulaysay. Farriintaas oo ahayd sida uu wargeysku sheegay mid hanjabaad ah ayaa qodob ka mid ah hanjabaadaasi wuxuu noqon karaa sida ay warbixintu sheegtay in Sucuudigu joojin doono inuu shaqooyinka u cusboonaysiiyo dadka reer Djibouti ee Sucuudiga ka shaqaysta iyo sidoo kale in dawladaha Gacanka Carabtu soo saari doonaan go’aan ay ku mamnuucayaan xoolaha nool ee Djibouti, iyadoo ay Djibouti deegaanka Dameero joog ka dhisayso deked loogu tallo galay dhoofka xoolaha nool oo  ku kacayso 70 Bilyan dollar oo ay dhisayso shirkadda China Civil Engineering Construction Corp. Dekedan ayay warbixintu sheegtay inay tartan aan toos ahayn la geli doonto dekedda Berbera ee ay DP world gacanta ku hayso.

Warbixintu waxay sheegtay in dawladda Jabbuuti markii ay dhinaceeda ka baxaysay heshiiska qandaraas ee ay DP World ku maamulaysay Teerminaalka Kontiinarrada ee dekedda Dooraale, ay filaysay jawaab celin adag, “laakiin may  filayn.” Ayay warbixintu tidhi “Duufaanta weyn ee go’aankeeda ka dhalatay.”