Deg Deg, Boqor Buur Madow oo Racfaan Qaatay, Dacwadiisana Loo Mudeeyay 8/5/2018

0

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madoow oo ka mid ah Madax dhaqameedka Beelaha Barriga Magaaladda Burco oo dhawaan maxkamada Gobolkku ay ku riday Xukun Saddex Sano ayaa rafcaan Ka Qaatay Xukunkaasi Ku Dhacay.

Boqor Cismaan oo weli u jira Xabsiga, ka dib Markii dhawaan Xukunkaasi lagu riday ayaa sida uu guddoomiyaha Hay’adda Xuquuqal Iisaanka Somailland Guuleed Dafac uu ku sheegay bogga uu ku leeyahay Facebookga, waxa uu boqorku Rafcaan ka qaatay xukunkaasi. kadib markii aay  meesha ka baxday rajadii 9n cafis madaxwayne uu heli doono  xuska malinta qaran ee 18 may,

Guuleed Dafac oo warkan ka xaqiijiyay Qareenka u doodaya ayaa waxa uu sheegay in bishan aynu ku jirno ee May 8-da la dhagaysan doono Rafcaanka uu boqorku ka qaatay xukunkii ku dhacay.maxkamada Gobolka ayaa todobaadkii hore xukunka ay ku riday Boqor Cismaan Aw Maxamuud U Cuskaday eedo isugu jiray in uu ku kacay fal lidi ku ah qaranimadda somaliland, sidoo kalena uu aflagaadeeyay bahda garsoorka,