Madaxwaynaha Jubaland oo ka Hawlgalay Siidaynta qalbidhagax oo ahaa jabhada ka tirsan jabhada ONLF

0

Hoggaamiyihii ka tirsanaa jabhadda ONLF ee dowladda federaalka Soomaaliya u dhiibtay dowladda Itoobiya sanadkii hore ayaa markii ugu horeysay kasoo muuqday sawir.

Sawirkan ayaa waxaa baahiyay bogga madaxtooyadda dowladda goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya, isaga oo la sawiran madaxweynaha maamulkaas Axmed Maxamed Islaam.

Sida sawirka ka muuqda, goobta uu ka dhacay waa goob firaashan, islamarkaasna uu yaalo fadhi wanaagsan, iyada oo Qalbi Dhagax ay ka muuqato dhoola-caddayn, wuxuuna xiranyahay macawuus, funaanad iyo jaakad.

Qoraal lasoo dhigay bogga madaxtooyada Jubbaland, islamarkaasna ay BBC-da u xaqiijiyeen saraakiil Jubbaland ka tirsan, madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu dowladda Itoobiya ka codsaday in xoriyadiisa dib loogu soo celiyo Qalbi-Dhagax.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkii hore Qalbi-Dhagax ku wareejisay dowladda Itoobiya, ficilkaas oo uu buuq badan ka dhashay, markii dambane loo qabtay guddi baarlamaanka oo soo baara, kaas oo kusoo gunaanaday in tallaabadaas ay qaldanayd.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo BBC-da la hadlay sanadkan ayaa sheegay in uu waafaqsanyahay go’aankii uu baarlamaanka kasoo saaray arrinta Qalbi-Dhagax.

Soo shaacbixista sawirka Qalbi-Dhagax ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli dalka Itoobiya ay ka dhaceen isbadalo waaweyn oo siyaasadeed, islamarkaasna xabsiga laga siidaayay xubno ka tirsanaa mucaaradka Itoobiya.

Lama oga moowqifka rasmiga ah ee Itoobiya ay ka qabto arrinta Qalbi-Dhagax, balse sanadkan waxaa jiray wadahadalo magaalada Nairobi ku dhexmaray Itoobiya iyo madaxda jabhadda ONLF oo uu Qalbi-Dhagax ka tirsanaa muddo aad u dheer.