Maxkamad la Saaray Oday Wiilkiisa Mukhalasiini Ku tahriibisay Shandad Dhexedeed,

0

Nin u dhashay Ivory Coast oo wiilkiisa siddeed sano jirka ah, inta boors la geliyay loo kala tahriibiyay Morocco iyo Spain ayaa ka badbaada xukun xabsi.

Dacwad oogayaasha waxay doonayeen in Cali Ouattara uu xukun xabsi ah ku muteysto fududeynta in wiilkiisa la geliyo Spain.

Sikastaba, ganaax fudud ayaa la saaray ka dib markiiaan maxkamdda la keenin caddeyn ah in ninkan uu wax ka ogaa in wiilkiisa lagu tahriibiyo boorso dhexdeeda.

“Aabahey iyo anigaba ma ogeyn in ay boors I gelinayaan,”ayuu yiri wiilka Adou, oo hadda 10 sano jir ah.

Adou wuxuu sheegay in Mr Ouattara, oo xabsi ku jiray muddo bil ah, uu markastaa u sheegi jiray in ay gaari ku safrayaan.

Adou wuxuu sheegay in uu neefsan waayay intii uu boorsada ku dhex jiray, taas oo looga gudbiyay xudduuda u dhexeysa Marocco iyo Spain ee gacanka Ceuta.

Bishii May 2015kii, saraakiisha xadka waxay sheegeen in ay joojiyeen gabar yar oo boorso culus jiideysay taas oo dhanka Spain ku sii socotay.

Markii ay kompuuterka baaritaanka geliyeen boorsada, waxay ka dhex arkeen canug yar oo ku dhexjira oo u jiifo sida ilmaha uurka ku jira.

Mr Ouattara ayaa hadda lagu amray in uu bixiyo $114 dollar oo ganaax ah.