Hawshii Sahaminta Shidaalka ee Gobolka Saaxil Is Afgarad Ayaa ka Dhcday Barina wa la Bilaabayaa, Oday jaamac Rooble Xirsi

0

Labadii Todabaad ee U danbeeyay waxaa Isfaham la,aan Aay Soo kala Dhex gashay wasiirka wasaarada Macdanta iyo tamarta Somaliland iyo Waxgaradka Gobolka Saaxil oo Isugu Jiray ,Siyaasyiin, Madaxda Dhaqanka iyo Odayaal Miisaan ku Leh Gobolka Saaxail,

Murankan Ayaana salka Ku hayay Mashruucan Cida Hogaaminaysa oo la Isla fahmi Waayay, iyo Bugcadii Xarunta u Noqon Lahayd hawlgalka sahaminta Shidaalka,

Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo tamarta iyo saraakiil sare oo ka Tirsan wasaradaa ayaana 48 saacadood ee u danbeeyay ku sugnaa Berbera Waxaana wadhadal u Socday waxgaradka Gobolka saaxil Sidii la iskugu Afgaran lahaa Dhaqaajinta shaqadan qaran ee sahaminta Shidalk,

Hadaba Mid kamida Odayaasha Gobolka saaxil oo Magaciisu yahay jaamac Rooble Xirsi[Jaamac Birqaab] oo

Shirarkan ka qaybgalay Ayaa HWN u xaqiijiyay In Isfaham La Gaadhay, Maalinta bari Ahna la Bilaabi Doono shaqdii Kowaad ee sahaminta shidaalka Gobolka Saaxil,

waxaanu intaa ku daray in Maamulkii shaqadana laysku afgartay Cida Hogaaminaysa, waxaanu Yidhi Oday jaamac Rooble Xirsi,

Maamulka Hawlsocod Siinta waxaa wada Hogaamin Doona Ninkii uu Soo magacaabay wasiirku iyo Nin Aay iska Dhex Doorteen Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Reer Saaxil, Waxaanu Intaa Ku daray In Labo Aag Laga kala Dhigi Doono xarunta Shirkada u Noqon Doonta saldhiga Xilyada Aay shqada Ku jirto ,Waxaanu Xusay Tuulada Beeyo Dhaadheer oo ku taalada Xeebta Hoose ee saaxil iyo Tuulada Burco Kibir , Oday jaamac Birqaab Wuxuu u Mahad naqay dadkii Isku hawlay in xal la gaadho iyo Masuuliyiintii wasaarada macdantaba,