Booliiska Kenya Ayaa Qabtay dahab tahriib Ah Oo Qiimihiisa Lagu Sheegay hal Milyan,

0

Nin u dhashay dalka Tanzaniya ayaa lagu xiray dalka Kenya ka hor inta uusan korin diyaarad ku sii jeeday magaalada Dubai.

Ninkan ayaa waxaa lagu qabtay dahab lagu qiimeeyay 1 milyan oo doolar.

Ninkan Tanzaaniyaanka ah oo 46 jirka ah ayaa markii la xirayay waxa uu siday 32 kg oo ah dahabkan qiimaha badan.

Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa ninkan ku qabtay garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi jimcihii.

Laamaha dowladda ayaa sheegay in tillaabadan ay qaadeen ka dib markii ay heleen macluumaad arrintan ku saabsan.

Sida uu qoray wargayska Standard ninkani ayaa ka yimid degaanka Mwanza isaga oo soo maray Kilimanjaro.

Booliiska Kenya ayaa imika wada baaritaan arrintan ku la xiriira.