Daawo Muuqalkaā€¯Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Maareeayaha Guud Ee Shirkada Dp World

0

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa

galabta xafiiskiisa ku qaabiley wefti balaadhan oo ka socday shirkada DP World oo uu hoggaaminayey maamulaha guud ee dekedaha ay xukunto DP World, Mr. Sultan Ahmad Sultan Bin Sulayem oo maanta booqasho ku yimid Somaliland.

Image may contain: one or more people, people sitting and indoor

Ā 

 

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhismaha iyo balaadhinta dekeda berbera, suuqa xorta ah (free zone), waxa kale oo laga wada hadlay sidii dhalinyarada reer Somaliland loogu furi lahaa suuqa ganacsiga ee imaaraadka si ay ugu shaqo tagaan halkaasi, waxa kale oo iyana lagu soo qaaday xaalada abaaraha gobolada dalka ka jirta sidii ay gacan uga geysan lahayd DP World iyo arrimo badan oo ay ugu horayso in dhakhso loo hirgeliyo dhammaan mashaariicda horumarineed ee ay Somaliland iyo DP World ku heshiiyeen, waxaanu madaxweynuhu fariin baaqa u diray imaaraadka carabtu inay dhinacooda gacan ka geystaan xaalada abaarta ee ku soo noq-noqotay Somaliland.

 

Gebegebadii kulankana waxa labada dhinac ay is gudoonsiiyeen hadyado kala duwan oo ay ka mid yihiin agabka hidaha iyo dhaqanka u ah Somaliland, halka DP World na ay madaxweynaha uu gudoonsiiyey sultan hadyad ay ka mid tahay doonta astaanta u ah shirkadooda DP World, sidoo kale waxa ay madaxweynaha u sharxeen qaabka balaadhanta dekeda berbera oo ay khariirad ahaan ku muujiyeen.

Image may contain: 5 people, people smiling, indoor

Waxaana Madaxweynaha kulanka ku wehelinaayey wasiirada wasaaraddaha, Arrimaha Dibeda, horumarinta Maaliyada, horumarinta Maalgashiga, horumarinta qorshaynta qaranka, maareeyaha dekeda berbera iyo safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka carabta.

Image may contain: 2 people, people sitting

Markii kulanka laga soo baxayna waxa faah-faahin ka bixiyey wasiirka arrimaha dibeda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire iyo Maamulaha Shirkada DP World, Sultan Axmed Bin Sulayem.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan