Ganacstada Wax Kala Soo Degta Dekada Berbera oo Ka Cabanaya Maamulka Cusub Ee Kastamka Berbera,

0

Qaar Kamida Ganacstada Wax kala Soo Degta Dekada Berbera Ayaa ka Cabanaya Cashuur Kordhin Lagu sameeyay Babuurta Qaarkood iyo Sistemkii Aay Kula Macaamiloon Jireen Kastamka Berbera Oo Lagu Adkeeyay, Illaa Intii Lasoo Magacaabay Maamulka Cusub Ee Kastamka Berbera,

Ganacstadan Ayaa HWN u Sheegay In Baabuurta Karoonka iyo Saloonka Labadaba Lacagtii Lagu Cashuuri Jiray La Kordhiyay, Mid kamida ganacsatadan Ayana Yidhi,

Ma garnayo Meel Wax Laga Kordhiyay, Maanta gaadhiga seerafta ah ayaa ka cashuur jaban gaadhiga karoonka ah ee injiin waynaha ah, Ilaa Iminkana Maanaan Arag tacriifad wasaaradu Kordhisay oo Cusub,

Sidoo kale waxaa dhacday ayuu yidhi gancsdahan oo magaciisa ka gaabsaday sababo shaqo awgeed ,

waxaanu soo Raran jirnay baabuurta dhexdooda si noolku nooga yaraado,

kastamka berberana wuu naga cashuuri jiray baabuurka iyo waxaanu kusoo Raranaba oo cashuuri Naguma Baaqan Jirin Laakiin Iminka waxaa Dhacday in Rarkii Dhulka la Dhigo oo Labo hawlood Nagu Dhacdo Kharashkiina Nagu Siyaado ,

Dabcana Siduu Noo Sheegay ganacsadahani waxaa Jirta ayuu Yidhi Khudrad Markeeda Horeba Ku Timaada Koonteenar Leh Qaboojiye , Sida Tufaaxa, Cinabka, Toonta iyo Hilibka Digaaga ,Waxaana Jirtay In Intaanay Soo Gaadhin Dekada Lasii Cashuuri Jiray Kadibna Lagula Bixi Jiray System ka Diregt Delivery [D,D] Maadaama Ashyaadani Aanay Sii Ooli Karin Dekada, waxaana Dhacday Ayuu Yidhi In Dhulka Lasoo Dhigo Khudaartan iyo Hilibkan Digaaga Taasina Aay Dhaawac iyo Khasaareba Soo Kordhin Karto, Xiliyada Aadka u Kulul eee Xagaaga,

Waxaanu Intaa Kusii daray In Aay Codsanayan Maadaama Aanay Cashuuri Ku Baaqan In Maamulka Kastamkuna Si nasteexo ah Ugu Adeego Bayacmushtarka , Arimahana Laga dabciyo,

Hadba ganacstada Wax kala Soo degta dekada Berbera Ayaa Cabsho isdaba Jooga ka Muujinaya Maamulka Cusub ee kastamka Berbera sababo kala duwan awgeed, xataa waxay leeyihiin adeegii hufnaa ee deg dega ahaa ayaa hoos u dhacay,

Mar Aanu isku daynay In Aanu Teloofanka kala hadalno Maamulaha Kastamka waay Noo Suura gali wayday ,